Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Berito Ayaa Shiir Fool Ka Fool U Dhex Maridoona Garabka Isbahaysiga Shariif Iyo Dawlada KMG

Friday - October 24, 2008

Jabuuti: Wararka ka imaanay dhanka magaalada Jabuuti ayaa tibaaxaya in maalinta bari lagu wada ballansan yahay iin furmo shir ay isugu imaanayaa madaxda gudiga aminga ee isbaysiga dib u xureynta soomaliya garabka Jabuuti.

Mid ka mid ah oo la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta ka howlgasha gudaha magaalada Muqdisho ayaa carabka ku dhuftay in dhinacooda ay rajo wanaagsan ka qabaan in la isla meeldhigo qodobka ku saabsan ka bixitaanka ciidamada itoobiya gudaha dalka soomaaliya.

Cumar Xashi oo arintaa ka hadlayey waxuu carabka ku dhuftay in Isbaheysiga uu rajo wanaagsan ka qabo kulanka ay isugu imaanayaan dalka Jabuti Dowladda KMG Soomaaliya iyo Isbaheeysiga garabka Shiikh Shariif waxaana uu hoosta ka xariiqay in markan ay dadka Soomaaliyeed maqli doonaan wax ay ku farxaan.