Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Warar Qubana Ah oo Koo-kooban

Saturday - October 25, 2008

Ceel-qaalow Kenya: Waxaa maanta  si xad dhaaf ah loo soo dhoobay xadka ay wadaagaan Keyna iyo soomaaliya ee gobolka Gedo gaar ahaan meesha loo yaqaan Ceel-qaalow Kenya ciidamo aad u tira badan oo kenyaan ah.

Soo dhoobida ciidamada kenyaanka ah ayaa ka dambeysay ka gadaal markii kooxo hubaysan ay dil ula kaceen goob laga hagaajiyo gawaarida (geerish) nin Oday ah oo magaalada laga ciseyn jiray.

Dilkani ayaa yimid ka dib markii dad lagu sheegay in ay ahaayeen 4 qofood oo ku hubaysanaa bastoolado ayna doonayeen in dhacaan gaari kuwa raaxada ah,  oo yaalay meel in yar u jirtay geerishka, markaasina uu is hor istaagay milkiilaha geerisha, deetana ay beerka xabad uga dhufteen kooxdii bastooladaha ku hubaysneed.