Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Wadaad Daaci Ahaan Jiray Oo Qaba 86 Xaas Oo Muran maxkamadeed Ka taaganyahay Iyo Warar Kale

Friday - November 14, 2008

Lagos : Maxkamaddii gacanta ku haysay kiiska Odayga 84-sano jirka ah ee magaciisa la yiraahdo Maxameddu Bello ayaa lagu soo waramayaa inay weli maxkamaddu ku jah wareersan tahay kiiskan odayga, ka dib markii ay aragtay ururo diimeedyo aad uga carooday arrinta uu ku kacay Odaygaan ee xaasaska tirada badan ee uu sharci darrada ku guursaday iyo eedeeymo kaloo ay ka mid tahay inuu u gafay amaba aflagaadeeyay diinta Islaamka.

Culimo waaweyn oo ka hadashay arrinta ninkan ayaa maxkamadda ka codsatay inay marsiiyaan odaygan 86-ka xaaska qaba waxa ay shareecada Islaamku ka qabto, iyagoo la tiigsanaya in sharciga islaamku aanu marnaba ogolaanaynin in ninku ka badsado afar xaas, 82-ka kalee uu ninkan qabana ay ku tahay qalad weyn uu ka galayo diinteena muqadaska ah.

Sikastaba oo ay tahayba, arrimahaasi loo soo jeediyay iyo kiisas kaloo la xiriira odaygaasi Maxamaddu ayaa lagu soo waramayaa in weli maxkamaddu ay maaro u la'dahay.

Waxayna maalinimadii shalay ahayed racfaan siisay odaygaasi oo qareen aftahan ah wata,waxaana ay maxkamaddu siisay in arrintiisa dib loo dhigay ilaa 12-ka December, waqtigaasoo mar kale dib loo dhageysan doono.

Odaygan Maxamaddu Bello ayaa la tilmaamayaa inuu horay u ahaan jiray daaci diinta fidiya, isla markaana ahaa oday si gaar ah loo ciseeyn jiray. Waxaana markii dambe laga war helay arrintan cajiibka ah ee uu ku guursaday 86 xaas, kuwaasoo uu ka dhalay markii tiro koob lagu sameeyay in ka badan 170 caruur ah.

                                    -------------------------------------------------------------------------