Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Itoobiya Oo Ka Hadashay Kulamadii Yuusuf Iyo Nuur Cade IYo Warar Kale

Saturday - November 15, 2008

Addis-Ababa: -Dawladda Itoobiya ayaa xalay si rasmi ah ugu dhawaaqday inay fashilmeen wada hadalo ay magaalada Addis Ababa habeen hore ku yeesheen Madaxweyne Cabdillaahi Yuusuf Axmed iyo Raysalwasaarihiisa Nuur Cadde, oo hadda ku sugan Nayorbi.

Madaxweyne Cabdillaahi Yuusuf iyo raisal wasaarihiisa Nuur Cadde, oo isku maandhaafsan dhismaha Golaha Wasiirada ee cusub, ayay Itoobiya ugu yeertay magaalada Addis Ababa, iyagoo ka soo kala kicitimay magaalooyinka London iyo Nayrobi, waxaanay yeesheen wada hadalo, ay ugu dambayntii isku mari waayeen.

Wasaaradda Arrimaha dibadda Itoobiya, ayaa warbixin ay toddobaadkiiba hal mar daabacdo oo ay xalay soo saartay, waxa ay si rasmi ah ugu dhawaaqday in labada oday ee dawladda KMG ugu sareeyaa ay isku mari waayeen wada hadaladii ku saabsanaa dhismaha Golaha Wasiirada iyo dhismaha maamulka gobolka Banaadir, waxaanay ku hanjabtay inay mar labaad isugu yeeri doonto Xubnaha urur goboleedka IGAD, si ay ugu wargeliso inuu fashilmay heshiiskii dhawaan ay Nayrobi ku gaareen ee ku saabsanaa dawladda KMG

“Wada hadalada waxa xudun u ahayd dhismaha Golaha Wasiirada iyo dhismaha gobolka Banaadir. Sida ku cad qorshaha heshiiskii Nayrobi lagu gaadhay, waxa ay ahayd in labadanba [Wasiirada iyo maamulka Banadir] la dhammeeyo Arbacadii toddobaadkan ee tagtay. Hase yeeshe wax heshiis ah lagama gaarin xubnaha Golaha Wasiirada. Nuur Cadde, waxa uu Madaxweynaha toddobaadkii hore London ugu gudbiyay liiska, laakiin Madaxweynuhu muu aqbalin magacyada.” Ayay tiri Wasaaradda Arrimaha dibadda Itoobiya, waxaanay intaas raaciyay, “Tan macnaheedu waxay tahay inaan heshiiskii lagu gaadhay shirkii Nayrobi aan lagu fulin kari wakhtigii loogu tallo galay. Heshiiska Nayrobi, waxa uu dhigayey in Golaha wasiirada lagu magacaabo 15 Maalmood oo ka bilaabanta maalintii la saxeexay iyo dhismaha Gobolka Banadir, waxay ahayd in labadaba la dhammaystiro Arbacadii tagtay.”

Itoobiya, waxa ay tilmaantay inaanay qorshe cusub hordhigin labada hoggaamiye ee khilaafku ka dhexeeyo, balse ay u soo jeedisay oo keliya inay fuliyaan qodobadii heshiiska Nayrobi, waxaanay tiri, “Itoobiya qorshe cusub umay keenin intii ay halkan joogeen, waxa ay u tilmaantay oo keliya inay si dhaqso ah u fuliyaan heshiiska Nayrobi lagu gaaray laba toddobaad ka hor. Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha waxa loo sheegay in Itoobiya oo ah guddoonka IGAD ay hadda ku wargelin doonto Wasiirada IGAD iyo xubnahanba, inaad ku fashilanteen inaad heshiisaan.”

Itoobiya, waxa ay ugu dambayn ku hanjabtay inay sida ku cad heshiiskii Nayrobi ay isugu yeeri- doonto xubnaha urur goboleedka IGAD, waxaanay tiri, “Sida uu dhigayo heshiiskii Nayrobi, haddii ay dhinacyadu fulin waayaan qorshaha wakhti ee mid kasta oo ka mid ah qodobada lagu heshiiyay ee kala ah Golaha xukumadda, dhismaha maamulka Banaadir iyo doorashooyinka, waa inay xubnaha IGAD kulmaan, si aanay isdaba jiitankii hore oo kale u noqon.”

Laakiin, Itoobiya way ka gaabsatay inay tilmaanto tallaabada ay xubnaha urur goboleedka IGAD ka qaadi doonaan madaxda dawladda KMG. Hase yeeshe waxa ay u muuqataa inay ka niyad jabsantahay siyaasadda dawladda Cabdillaahi Yuusuf, oo uu wakhti badan iyo dhaqaale badani kaga lumay.

              --------------------------------------------------------------------------------------------------------------------