Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

War Deg Deg Ah Oo Caawa Leylka Naga Soo Gaaray Dhinaca Nairobi

Sunday - November 16, 2008

Nairoobi : War caawa leeylka Naga soo gaaray Magaaladda Nairobi ayaa sheegaya in madaxweyne Cabdulaahi Yuusu u si kadis ah ugu ambabaxay dalka liibiya isagoo ay qaaday dayaarad khaas ah oo u soo diray hogaamiyaha Macamar Qadaafi, dayaaradaas oo ka qaaday Air-borka Jomo Kenyaata ee magaalada Nairobi,

Warkaas ayaa tilmaamaya in madaxweyna Cabdulaahi Yuusuf socdaalka u ku tagayo dalka Liibiya u rabo inu la kulmo hogaamiyaha liibiya Mucamar al- Qadaafi isagoo dana gaar ah ka leh.

Sido kale ayaa Warka intaa ku daraya in madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf u khadka taleefonka kula hadlay Mcamar Qadaafi u kaga codsanayo kulan deg dega ah, taaso Qadaafi u ka aqbalay sida la sheegayo, waxaana la filaya in Cli Cabdala Saalax ee yamanta u isku xirkooda ka dambeeyo

Dhinaca kale ayaa iyadana la tilmaamaya in Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf  oo saaxiibo weyn mudo la soo ahaa madaxda Ethiopia ayaa haatan soo kala dhex gashay siyaasad Aamindaro iyo himad-jab oo aan la saadalin karin waxa is-maandhaafku ku dambeynaayo, walow afka loo badanayo in qabweynida labada dhinacba ay qar ka tuuridoonto xiriikoodi soo jireenka ahaa, taasna sida la sheegayo waxaa laga fahmi kara khilaafkii dhawaan dhex maray madaxda itoobiya iyo Mr Yuusuf oo keentay Madxweyne Yuusuf inu ka soo dhoofo Adis-ababa isagoo diiday inu la kulmo Raisal-wasaare Zenawi.