Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

War Naxdinle : Gabdho Soomaaliyeed Oo Lagu Kufsaday Koonfurta Sudan Oo Qaarkood Geeriyoodeen

Monday - November 17, 2008

Sudan- Duleedka Magaalada Juba ee xarunta Maamul Goboleedka SPLA ee koonfurta dalka Sudan ayaa waxaa lagu kufsaday gabadho soomaaliyeed oo tiradoodu gaadhayso 10 hablood kuwaas oo qaar ka mid ah la keenay iyadoo xaaladoodu liidato cusbataal ku yaala magaalada Kampala ee dalka Uganda halkaas oo mid ka mid ah ku geeriyootay ...............

Gabadh lagu magacaabo Xaawo balse diiday in la sheego magaceeda oo sadexan ayaa saxaafada u sheegtay iyadoo ku sugan cusbataalka ku yaala magaalada Kampala in iyada iyo 9 gabdhood oo la socday ay Uganda ka baxeen 10tii bishii october ee sanadan 2008 , markii ay gaareen magaalada Juba ee caasimada koonfurta Sudan ay ka raaceen doon yar oo ku socotay magaalada khartuum taasi oo qaada webiga Nile-ka balse markii qiyaastii masaafo dhan 20km aanu ka soconay ayay tiri magaalada jubba ayaa doontii joojiyeen nimankii waday waxaana nalagu khasbay inaanu ka soo degno doonta balse taasi waanu diidnay ilaa markii danbe xoog nalooga dejiyey ..

Xaawo oo ilmaynaysa ayaa tiri Isla markii webiga banaakiisa nala geeyey ayaa waxaa geedaha jeexa ka soo baxay ciidamo ku lebisan dharka tuutaha waxaana naloo kaxeeyey jeexa ay nimanku ka soo baxeen oo ay ku taalay xero weyn oo ciidamo lagu tababarayey, gabadha dhimatay inan ay qaraabo ahaayeen oo iyana nala socotay ayaa taqaanay luuqada Carabiga waxayna u sheegtay inaanu nahay dad masaakiina oo kasoo cararay dalka Somalia balse hadalkeeda may dhegaysan ee iyadii ayaa hore loo kaxeeyey waxaana dharka lagaga bixiyey hortayada oo ay ku fuuleen sadex nin oo laba ka mid ah ay ahaayeen nimankii doonta naga soo kireeyey , gabdhaha 2 mooyaane inta kale guur hore ma soo marin oo hablo bikro ah ayay ahaayeen waxaana dhacday in nimankii dhibaato kala kulmaan marka ay kufsanayeen waxayna markii danbe u isticimaaleen mindiyo iyo biro kale taas oo sababtay dhiig bax aad u badan oo hada gabadhi u geeriyotayba.

Sida ay sheegtay gabadha magaceeda kusoo gaabisay xaawo waxaa duurka koonfurta Sudan lagu haystay iyada iyo saaxiibadeeda ay isla tahriibeen mudo gaaraysa 18 casho waxaana maalintii 19 ay keeneen nimankii haystay inta gaari lagu soo guray duleedka magaalada halkaas oo ay ka heleen darawalo Somali ah oo iyagu shidaalka geeya koonfurta Sudan kuwaas oo lacago isugu dardaray ka dibna usoo gudbiyey dalka Uganda, Xaawo ayaa intaasi raacisay in loo sheegay intii aanay jubba ka bixin in dumar Soomaaliyeed oo tahriib ahaa lagu haysto duurka halkaas oo qaar kood caruuro ku dhaleen si qasab ah .