Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Ciidamada Keenya Oo U Socda Soomaaliya Lana Soo Dhoobay Xadka Labada Dal

Tuesday - November 18, 2008

Nairobi : Wararka ka imaanay dhanka magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa tilmaamay in cutubyo ka mid ah ciidamada dalka Kenya inay ku soo biirayaan ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, kuwaasi oo la xaqiijiyey inay gaarayaan boqolaal askari.

Wararka waxa kale ay tibaaxayaan in dawlada Kenya ay si buuxda u shaacisey inay go`aansatey inay ka qayb noqoto ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan magaalada Muqdisho, iyadoo warkan lagu baahiyey dhamaadkii shirkii wasiirada arimaha dibada ee dalalka IGAD ay ku yeeshen magaalada Adis Ababa.

Hadaba, wasiirka arimaha dibada Itoobiya Siyuum Musfin ayaa ku macneeyey imaanshaha ciidamadan mid qayb ka ah dadaalka ururka IGAD ee nabada Soomaaliya ay iminka wado.