Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Mucjisooyin Aduunka

Wednesday - November 19, 2008

Ukrine: Mucjisooyinka aduunka Lamaane aan qubeysan muddo 16 sanno…

 

(Layaabka Aduunka) Laba lamaane oo u dhashay dalka Ukrine ayaa si weyn indhaha dadka dalkaasi u soo jeetay iyadoo labaduba aysan 16-sano qubeysan ‘meeran’ isla markaana iska jirin timaha tiiyo ay u sii dheer tahay iyaga oo aan dharka iska badalin .

 

Lamanayaashaan oo ku nool magaalada Makayeva ayaa isku xabisay gurigooda isla markaana wax biyo ah aan taabsiin jirkooda isla markaana timahooda jarin muddo 16-sano ah .

 

Sayga oo lagu magacaabo Antauli Chakuf oo ka da`weyn xaaskiisa Larissa ee 31-sano jirka ah ayaa muddo 21-sano ah la nooleed iyadoo ehelkeeda si weyn uga soo hor jedeen seygeeda oo aaminsan afaagaaro diimeed u gaar ah .

 

Labada lamaane ma jiraan wax caawin ah oo dadka kale ay weydiistan xitaa biyaha iyaga ayaa raadsada iyadoo biyaha roobka ee gododka fariista soo qaata inkastoo hantiilayaal labaduba yihiin .

 

Labadaani lamaane ayaa maalintii oo dhan hal jeer wax cuna , ehelka gabadha ayaa caadeystay oo joogteeyay in cuno u keenaan labadaani lamaane ee la yaabka badan hal jeer bishii balse wa ay ku guul dareesteen in ay ku qancinayaan in ay qubeeystaan oo ay dharka iska badalaan .

 

Ugu dambeyntii, sanadkii ayay hal jeer iska badalaan dharka iyadoo dharkaasi ay ku dhamadaan , waxaana xusid mudan in seyga Larissa uu ka mid ahaa ragii ugu caansanaa xiligii maamulkii Midowga Sufiyatii