Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

" Aabba Qaatay " Waa Gabay Iyo Sheeko Murtiyeed Oo Qosol Leh

Wednesday - November 19, 2008

Islaan baa Qaad soo dacweysay si maxkamad loo soo taago. Qaadkii baa maxkamaddii looga yeeray. Haddaba sheekadan Qosolka, Xikmadda, Farriinta, oo gabayga wadata waxay dhex martay Saddex qof oo kala ah- xaakimkii maxkamadda iyo islaantii wax soo dacwaysay iyo Qaadka laftigiisa oo dacweysane ah------ Xaakimkii baa hadalkii bilaabaya:

Xaakinkii: "Yaa la soo dacweeyay, waana maxay dacwadda la soo oogay?"

Islaantii: “ Xaakimow anigaa wax soo dacweeyay, waxaan haystaa inankan Qaad ee halkan iskala marmaroojinaya oo waxaan ku haystaa dacwadda ah “Aabbaa Qaatay” oo ah mid iminka reer miyiga ka socota oo marka odayga reerku uu xoolahiisii xado weeyaan, oo uu kolba neef xoolaha ka dhex qaato ee uu Qaad soo siisto, ayay carruurtu yiraahdaan “Aabbaa qaatay, oo markaa ninkayguu baadda sidaas uga qaadaa”.

Xaakimkii: “Adigu Qaadow ma garanaysaa odaygan la leeyahay baad ayaad ka qaaddaa, maxaadse dacwaddan ka qabtaa?”

Qaadkii: Isaga oo ay xanaaq iyo isla weynaan ka muuqato ayuu oranayaa “ Xaakimow waa adigii yiri ninka ma garanaysaaye haayoo horta Odaygan aqoon sidaasa isuma lihin laakiin waa nin macmiil ah. Waar aniga waxa laygu soo qabtay baan garan la’ahay--- Waar anigu miyaanan ahayn beel daajiyaha dareen diirshe ---- shir hagaajiye oo aan aniga la’aantayba lama hadlikaro -- Miyaanan ahayn dib u soo celiyaha naf dantay----- kan fikradaha keena miyaanu aniga ahayn---- Kan dadkoo dhan dhoofiya inta la cunayo miyaanu aniga ahayn --- Kan dadka barafka saaraa miyaanu aniga ahayn----- Anigu kolay geed baan ahoo aarsan maayee, soo dhacayay dambe ayuun baan jiraynin ee taa maskaxda geliya.”

Xaakimkii: “ Waaryaa Qaad dee billaa caleeg halkaa ha gaarin oo ha oran soo dhacyeey danbaan jirayn. Berri baan niman odayaal ah casumee maxaannu samaynaynaa haddaad soo dhici weydid, dee halkaa ha gaadhin.”

Qaadkii: ayaa oranaya “ Horta anigu waan idin la yaabaa, ma anigii baa iminka idinkaga qaylasiiyey, waar annagaa wax aragnay. Anigiina maxkamad baa lay taagayaa waddankuna ma kala socon karo haddaanan jirin. Ma anigoo Geed ah ayaad iska qaban kari la’adihiin oo idinkaga baroor siiyey.”

Xaakimkii: Isagoo naxsan waxuu oranayaa“ Qaadow ka noqo ereyga ah  "ma soo dhacayo", waa laguu baahan yahay. Waar mee askarigii, bal Qaad ha la sii daayo.”

Qaad oo isla dhacsan inuu guushii helay ayaa oranayaa: “ Horta anigu idin la yaabey. Beri baa nin waashay ay qolooyin is yiraahdeen bal la sheekaysta. Markuu si fiican u sheekeeyay ayay yiraahdeen oo soo adigan bogsaday. Markaasaa intuu ninkii waalnaa soo booday yiri; “Anigu maan bogsane, waa lay soo gaaray.” Markaa haddaan Qaad ahay ma fiicniye waa lay soo gaaray.

Haddaba Islaantii ayaa intay midab doorantay oo qiirootay bahal Gabay ah sii deynaysa, waa Islaan birta cuntay oo gabayda, waxayna ay tirisay gabaygan la magaca baxay “ Harraati Qaad”, Oo ay tiri: