Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

M. Dheere Oo Ku Tilmaamay Ciidamada Itobiya Kuwa Madadaalis Ah Ayna Tahay Iney Baxaan Iyo Warar Kale

Friday - November 21, 2008

Mogadisho: Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (M/Dheere) ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin maamul u sameynta raagtay ee Gobolka Banaadir iyo qodobo ka mid ah heshiiskii Dowladda iyo Isbaheysiga ku gaareen Magaalada Jabuuti.

Maxamed Dheere ayaa sheegay in lacago fara badan lagu lunsaday arrimaha Maamul u sameynta Gobolka Banaadir, isagoona xusay in ilaa iyo hadda waxba la qaban, isla markaana lacago loogu tala galay arrimaha gobolka oo ay bixisay Qaramada Midoobey si gaar ah jeebka loogu shubtay.

" 90-kun oo doolar ayaa lagu fangareeyay arrimaha maamul u sameynta Gobolka Banaadir, taasna waa la lunsaday" ayuu yiri Maxamed Dheere oo ugu baaqay in dadka deegaanka ay ka tashadaan Aayahooda, waxaana uu sheegay inaysan ogolaan habka wax qeybsiga ee 4.5.