Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Maxay Caanaleyda Haruubkii- Dhiishii Ugu Badaleen Caagad Aan Dhaqmeyn

Saturday - November 29, 2008

Bulashada Soomaaliyeed ee dagan miyi iyo magaalo waxaa laf dhabar u ah xoolaha la dhaqdo , oo ay manaafacsadaan siyaabo kala duwan , hadaba UmadaSoomaaliyeed jiil ka jiil waxay ka manaafacsan jirtay xoolaha nool haday noqon laheyd hilib , haday noqon laheyd caanaba iyo dhogortoodaba.

Sida aan la socono xoolaha reer guuraga marba dhan baa loo arooriyaa...... weyna kacaano iyo hilib yar yihiin , marka loo eego xoolaha ay dhaqdaan dadka beeraleyda ama qodotada iyo kawa seeraleyda ah, waayo xoolaha lagu dhaqo beeraha ama seeraha waxay si fudud u helaan biyo iyo baad ba ,markaa xoolaha loogu talo galay hilib ahaan in loo iibgeeyo iyo caano ahaanba la iibiyo ,wey ka badan yihiin marka la isla geeyo suuqa xoolaha reer guuraaga iyo xoolaha reer beeraleyda anfaca hilib iyo caanoba

Hadaba aan u soo noqdo mawduuca cilwaanka ... Umadeena Soomaaliyeed ee ku dhaqan miyi iyo magaalo kama maarmaan caanaha, Hadaba dadkii hore ee ka gacanacsan jiray caanaha ama xoolaleyduba waxay caanaha ku shubn jireyn Haruubka ( dhiisha )laculayay oo geeddo lagu shidayey oo nadiif ah , matalan haruubku haduu wasaqoobo waa la meyri jiray oo guntiisa la arki jiray , balse maanta wey adagtahay caagada sidii loo meyri lahaa
 Hadaba Umadeena Soomaaliyeed ee ku dhaqan miyi iyo magaalo sanadahan danbe wey iska daayeen Haruubkii ( dhiishii ) caanaha lagu shubi jiray ,marka loo iib geenayo magaalo fog ama lagu keedinayo caanaha, hada dadku waxay wada isticmaalaan caagado midabyo kala duwan oo haruud ( jaale ) u badan

Caagadahaas oo aan guntooda la arki karin , sifiicana loo meyri karin ,waxaa intaa u sii dheer caagadahaas oo lagu keeno qaar kamida sun , halka kuwa kale lagu keeno saliida baabuurta.
Muddo badan ayaan idaacadaha ka maqalnay magaalo heblaayo calool xanuun baa ka dilaacay ama magaalo heblaayo daacuun baa ka dilaacay , waxaana u sabab ah caagadahaas aan la meyri karin ama guntooda la arki karin ee ku dhasha waxa loo yaqaano aljiga.