Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Cabdulaahi Yuusuf Oo Doonaya Inu Dhiso Isbahaysi Cusub Isagoo Docna U fiyoobeyn

Sunday - November 30, 2008

Garowe- Nairobi- Mogdisho : Siyaasada Cabdilahi Yusuf ayaa lagu micneeyey mid uu dhabanada gacanta ku hayo,wuxuuna aad uga shakisan yahay talaabooyinkiisa inay noqdaan mid ka tuureysa saaxada siyaasadda.

Heshiiskii Jabuuti ay ku gaareen Nuur Cade iyo Shariifyadu ayaa waji cusub oo siyasadeed u furay Somalida, waxaana muuqata isbedelo huwan Aayaatiin mugdi leh oo aan la saadaalin-karin .

Cabdilahi Yuusuf ayaa badanaa lagu eedeeya inuu yahay mushkilada Somalia iyo inuu wax wayn ka qaban waayey sidii  Somalia nabad ugu soo noqonlahayd, 4tii sano ee ee uu horboodaayey.

Meles Zenawi ayaa eedeyntii uu huwiyey Cabdilaahi Yusuf qalbigiisa waxyeeleeysay siyaasad ahaan ,waxaana mowqifka beesha Caalamka wax ka duway hadalada ka soo yeeray maamulka Zenawi ee xal raadinta lagu saleeyey lana sheegay in Cabdulahi Yuusuf ku horkufay xal u helida xaalada qalafsan ee Somalida, laakiin dadka indha-idheeya siyaasada itoobiya aya tilmaamay in hadalka siyaasiyiinta itoobiya u yahay mid ay ku dabooleyso fashalka ka qabsaday ka hortaga xoogaga islaamiyiinta.

Ethiopia ayaa muddo dheer saaxiib fiican la ahayd Cabdilaahi Yuusuf, balse iminka ka wareegtay lana macaamishay hogaamiyaal saaxda siyaasadeed dhawaan ku soo biiray, kuwaaso kala ah Mr.Nuur Cade Iyo Axmed Cabdi-salaan oo haysta taageerada dadka mucaaradka ku ah Cabdulaahi Yuusuf, laakiin iyaga shakhsi ahaan waa Nuur iyo Axmade dadkooda kama haystaan taageero badan, walow Axmed Cabdi-salaam ay dadkiisa ku bogaadiyaan tafaraaruqa u dhex dhigay Cabdulaahi iyo raiisal wasaarihiisa oo keentay iney burburto dawladdi KMG.   

ILo u dhuundaloola Cabdilaahi Yuusuf ayaa tibaaxay inuusan taagero u hayn Heshiiska Jabuuti lagu gaaray, Iyadoo Khubarada siyaasadda ay sheegeen inuusan Cabdilaahi Yuusuf marna ka mid noqon karin Maamul ay awooda la wadaagayaan Mucaaradku ,Si kastaba xaalku ha noqdee,Wuxuu Cabdilaahi Yuusuf  Saaxiib la noqday siyaasad cusub oo u baahan inuu si tartiib tartiiba leh ula jaanqaado .

Hadaba Iyadoo maalmihii ugu dambeeyay uu dhinaca siyaasada guuldarooyin la Hoyday Cabdilahi Yusuf ayaa waxaa warar hoose ay sheegayaan inuu haatan u tafaxaytay sidii uu uga hortagi lahaa heshiiska Jabuuti,isagoo ku talo jira qorshe uu ku dhisaayo Isbaheysi ka horjeeda Heshiiska Jabuuti, wuxuuna mar uu ka qeyb galay xaflad oday Dhaqameed maamulka puntlaand lagu caleemasaarayey uu u sheegay iney dhistaan Gole ay ku mideysan yihiin isla markaasna ku hadla Magaca beelaha daarood.

Sidoo kale waxaa uu sheegay Cabdilahi Yusuf oo uu ku eedeeyay Madaxda  Mareykanka,  Ethiopia, Wakiilka UNka iney ka eexdeen lana safteen Siyaasiyiinti hagardaamada ku hayey Puntlaand iyo Reer Muqdisho, wuxuuna si hoose oo sira ugu sheegay Odayaashaas uu la kulmay inuu si dhakhso ah uu u unkayo Isbaheysi balaaran oo dhan ka ah Heshiiskaan la gaaray, wuxuuna Isbaheysigaasi Xarumo uga dhigi doonaa Muqdisho & Garoowe, wuxuun si gaar ah uga dalbaday Odayaashaas iney gacan ka siiyaan sidii looga hortagi lahaa heshiiska la sheegay in lagu gaaray Jabuuti, kaasoo uu ku tilmaamay ineysan wax dani ahi ugu jirin guud ahaan puntlaand iyo bulshada reer banaadir.