Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Markabkii Yamanta ka Haysatay Burcad-badeedka Oo La Sii Daayey

Monday - December 1, 2008

Garoowe- Waxa si shuuruud laan ah lagu sii dayay markabkii ay budhcadeedba Puntland ay dhawaan qafaasheen ee laga lahaa dalka Yemen, markabkani oo ay raga afduubtay oo ka soo jeeda gobolka Puntland ee Somalia ayaa markii ay qafaasheen markabkaasi ku dhawaaqay in ay doonayaan lacag xad dhaaf ah taasi oo ay markabkaasi ay ku xirantahay sii dayntiisu, sida ay uga qaataan maraakiibta kale ee ay qafaashaanba kuwaasi oo ay wali qaarkood haystaan kuwo kalena ay ku sii daayeen lacag madax furasho ah.
 
Hadaba arintani lagu sii daayay markabkan laga lahaa dalka Yemen ayaa ka danbaysay kadib markii ay saraakiil sar sare oo ka tirsan dawalda Yemen ay C/laahi Yusuf u soo raaceen oo yimaadeen Puntland, todobaadkii dhawaa kuwaasi oo ka codsaday C/laahi Yusuf iyo Cade Muse in loo soo daayo markabkooda iyada oo aan waxba lagu xirin iyaga oo sheegay in ayna wakaalada markabkaasi lihi ayna awoodi karin wax madax furasho ah, dawlada Yemena ayna diyaar u ahayn in lacagtaasi madax furashada ah bixiso.
 
Hadaba Afar cisho ka hor ayuunbay ahayd markii ay C/laahi Yusuf iyo Cade Muse ugu baaqeen haystayaasha markabkaasi laga lahaa dalka Yemen in ay si shuruud laan ah u sii daayaan, taasi oo labadaas hogaamiye ay si kala gaar gaar ah saxaafada ugu mariyeen ragaasi burcad badeed ah in loo sii daayo Yementa markabkoodaasi, taasi oo buracd badeeduna ay hada ugu jawaabeen in ay fuliyaan codsigii labdaas masuul ee sii daynta Markabkaasi, iyada oo ay wararku sheegayaan in ay jiraan xiriiro toos ah oo madaxdaasi la samysay buracd badeedaasi sidii loo sii dayn lahaa markabkaasi Yamanta oo hada lagu guulaystay sii dayntiisa