Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Jimcaha Iyo Baraarujinta Maanta " Xusuusta Maalmaha barakeysan" Iyo Dr.Shuaib Yusuf " Abu Yusuf"

Thursday - December 4, 2008

Asalamu Caleykum 
Maalmaha Allah waxa ku jira kuwo si gaar ah Allah uu u barakeeyay, waxa ka mid ah 10 ugu horeeya bisha barakeysan ee Dhul Xija waxana loo baahan yahay in si wanaagsan looga faa'ideyto oo la kordhiyo Cibaadada Allah ee wanaagsan sida soonka iyo Sadaqada iyo qaraabada oo la xiriiriyo, sidoo kale in gaar ahaan la soomo maalinta Sagaalaad oo ku beegan Axada 7 bisha Decembar.
 
Maalintaa oo uu Subanaha noo tilmaamay (Naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha aahaato) in qofkii muslim ah ee sooma Allah uu dhaafayo Dembigiisa sannadka lasoo dhaafay. Maalintaa waa maalin weyn oo Allah uu sharfay, dadka muslimiinta ah ee niyeystay Xajka ay Tagaan goobta bandhigga Carafaat oo Allah ay ka baryaan inuu aqbalo Xajkooda, maxaa yeelay qofkii la aqbalo Xajkiisa waxa uu noqon sidii maalintii hooyadii ay dhashay oo dembi oo dhan waa laga cafin, Jannadana waa loogu bishaareyn.