Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Meles Zenawi Oo Cabdulaahi Yuusuf Ugu Baaqay Talooyin Xal lagu Gaaro

Wednesday - December 3, 2008

Addis ababa - Garowe : Madaxweynaha Dawlada Faderaalka Ku-meelgaadhk ah ee Dalka Somalia C/Laahi Yuusuf Axmed ayaa la sheegaya inuu dhambaal qoraala ka gudoomay Safiirka Dowladda Federalka u fadhiya Ethiopia Ambasador Saciid Cali Gees " Saciid taayr"

Dhambaalka uu Madaxweyne Yuusuf gudoomay oo uu ku saxiixan yahay Ra'isulwasaaraha Ethiopia ayaa la sheegay inuu nuxurkiisu yahay talooyin uu Melles Zenawi kula taliyay Korneyl Yuusuf , laakiin aan si dhaba loo xaqiijin nooca taladaas ay la xariirto, walow dadka qaarkiis ay tuhmayaan in taladaas aysan ka marneyn in Cabdulaahiga is casilo. 
 
Wararku Waxa ay tilmaamayan in Safiirka Somalia u Fadhiya Aadis-ababa Iyo Sarkaal kale oo ka Tirsan Waraasarad Arimaha Dibada u Qaabilsan ay Shalay ka Degeen Gagida Dayuuradaha ee Magaalada Bossaaso, Ay dhanbaalkan oo fariin Qoraal ah Sidaty ku Gaarsiiyeen Magaalada Garoowe oo u ku suganyahay cabdulaahiga.
 
Inkasta oo Amuurta arintani aan Si Rasmi ah Loo Shaac Saarin ayaa Hadana waxa ay Ku soo beegmaysaa xili uu Madaxweynaha Somalia Ciriiri xun oo Siyaasdadeed ka Soo foodsaaray qaar ka mid ah madaxda urur goboleedka IGAD,