Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Dawladda Mareykanka Oo Ogolaatay Iney Hawlgalada AMISOM Ugu Deeqdo Malaayiin Dollar

Friday - December 5, 2008

Adisababa: Dawladda Mareykanka ayaa hadal ay shaacisey waxay ku sheegtey inay ugu deeqdey malaayiin doolarka Mareykanka qorshaha midowga Afrika uu ku doonay in ciidamo nabad ilaalin ah uu ku keeno Soomaaliya.

Danjiraha dawladda Mareykanka u fadhiya wadanka Itoobiya Ambsador Mr. Donald Yamamoto,ayaa sheegay in xukuumadiisa ay 67 milyan oo doolar ay ugu deeqdey hawlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya ee Midowga Afrika AMISOM.

Mr Yamamoto wuxuu sheegay in dalkiisa labadii sano ee la soo dhaafay uu dhaqaale ku tabarucay sida tababaro, taageero bini’aadamtinimo, iyo hawlaha duulimaadka oo laga caawiyey wadamada ciidamada Soomaaliya soo direy, waxaana sidoo kale uu sheegay in dalkiisa uu sidaasi si la mid ah uu qaadatay talaabooyin uu Jaamacada Carabta iyo Midowga Afrika kaga doonayey inay isaga kaashadaan xaaladaha Soomaaliya.