Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Heshiskii Jabuuti Ka Dhacay Waxaa Lagu Mihindisay Qiiq kale In lagu Huriyo Oo Qaylo Kor U Duusho

Saturday - December 6, 2008

Jabuuti-Mogadisho: Sida war xuuraan lagu helay ayaa tilmaamaya in hooyga mogdisho Mr. Nuur Cade “mijin gaabow” iyo Ina Cabdisalaan oo u weheliyo Cismaan Caato iyo shakhsiyaad kale oo magacooda aan la dhabin, ayaa halkaas ku wada qaateen biisha Nofembar shir lagu falaanqeeyey ageendada shirka jabuuti ee dhexmaridoona dawlada KMG iyo isbahaysiga dibu xoreynta garabka jabuuti. 

Shirkaas oo saacado badan loo fadhiyey qado iyo cashana lagu kor cunay ayaa gabagabadi lagu soo gunaanaday in Cabdulaahi Yuusuf sida qura ee xilka looga qaadikaro ay tahay in qaybta xubnaha baarlamaanka ee isbahaysiga la siiyo in u dhiganta xubnaha baarlamanka KMG ee hatan jira sii halkaas mustaqbalka u Shariif u noqdo madaxweyne oo Ina Yuusuf nigiska looga siibo.

Inta kooxdaas shirka ay u fadhidey taleefoonka isku xirka jabuuti marna dhulka ma dhicin oo qalalawdaas ayuu hayey, waxaana badanaa wada hadlayey Axmed Cabdisalaam iyo koox u ku jiro afayeenka isbahaysiga Cabdikarim.

Ina Cabdisalaan waxuu shirkii saaxiibadii soo dhex dhigay in isbahaysiga ay wataan fikrad ah in xubnaha barlamaanka laga dhigo min lixdan xubnood labada dhinacba, taaso ay ku saleeyeen baarlaankii guduudnaa ee lixdamaadkii, waxaana sida la sheegay fikradaas tirada soo jeediyey oo xubnaha isbahaysiga ka ogolaadeen Maxamed Cabdi Yuusuf oo isbahaysiga jabuuti ka ah xubin firfircoon.

Laakiin Nuur Cade iyo kooxdiisi ma ay qaadan fikradaas socota ee ka timid dhinac jabuuti balse waxay u arkeen in gud ahaan tirada ay yartahay oo khawaafkaas Cabdulaahi u dib u gadankaro inta badan xubnahaas oo dabadeed u markale sidi aar libaax ku soo boodo jagadi madaxtanimada.

Kulankii shirka jabuuti ee labada dhinac fadhigiisi ugu horeeyey isbahaysiga waxay soo bandhigeen in baarlamaanka loo qaybsado tiro is la eg oo min lixdan ah, taaso isla markiiba Nuur Cade gaashaanka ku dhuftay oo yiri “No” ma jirto.