Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Walaalayaal Ciid Wanagsan Dhamaantiin

Sunday - December 7, 2008

Guud ahaanba dunida muslimka ayaa caawa si ballaaran looga dabaaldegayaa munaasibadda Ciidal-axdaa oo ah ciida labaad ee diinta islaamku sharciyeysay.

Ciidal-adxaa oo salka ku haysa guddadashada Xajka oo ah rukni ka mid ah shanta arkaanu islaam, waxa muslimiintu ugu dabaaldagaan si weyn oo aan loo kala harin, iyada oo qofka aan Xajka soo gudanayn ay waajib ku tahay inuu neef xoolo ah gawraco.

Haddaba, guud ahaan waxa maanta meelkasta ka ciidaya bulshada Soomaali ay joogtaba , waxaana magaalooyinka waaweyn laga dareemayaa saxmad badan oo ay dadku ku mashquulsan yihiin iibsashada dharka ciida iyo weliba xoolaha la qalayo oo maalmihii u dambeeyey qiimahoodu kor u kacay.