Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Ururka Waddaniga Soomaaliyeed Oo Hambalyo Ciid U Diraya Ummadda Soomaaliyeed

Monday - December 8, 2008

Hambalyo Munaasabadda Ciidul Adxaa

Dhamaan Xubnaha Ururka  Waddaniga Soomaaliyeed waxay halkaan uga soo gudbinayaan hambalyo ku saabsan Munaasabadda  Ciidda Barakeysan ee ''Ciidul Adxaa'' dhamaan Umadaha Islaamka, gaar ahaan Umadda Soomaaliyeed eek u kala nool Somalia gudaheeda iyo Adduunka daafahiisa oo dhan.

Maalmaha Ciidda iyo sifooyinka ay leeyihiin

Maalinta ciidda waa Astaan ka mid ah Astaamaha Islaamka leeyahay,Waana maalin ay umadaha Islaamka si gaar ah u weyneeyaan, waxaana lagu tilmaamaa sifooyin badan, waxaana ka mid ah:

1- Maalinta ciidda islaamku wuxuu ku sifeeyaa Maalin Guuleed (Day of Victory). Waa maalin ay guulaysteen inta waajibkeeda gudatay, oo ay gaareen guushii ay Allah (SWT) ka filayeen.

2- Maalinta Cafiska (Day of Forgiveness), waayo Allah (SWT) wuxuu cafiyaa inta gudatay waajibaadka Bisha Ramadan iyo Waajibaadka Xajka, qaabkii uu Allaha (SWT) inoo farayna u toosisay.

Waxay Muslimiinta maalintaas si wadajir ah ay u baryaan Allah (SWT) dambi-dhaaf iyo inuu ku manaysto imaan xoog ah iyo khaatumo san. Sidoo kale ayey Muslimiintu is cafiyaan, is bariidiyaan, dholo-caddayn iyo weji furnaan isku soo dhaweeyaan.

3- Maalinta Xusuusta iyo Mahadnaqa, (Thankgiving and Remembrance Day), waa maalin la xusuusto masaakiinta iyo danyarta, waa maalin la xusuusto waalidka, ehelka, waayeelka iyo ubadka, waana maalin loo mahadceliyo Illaahayga ina uumay ee Islaamka inaga dhigay.

Waa maalin la isku hambalyeeyo, la is bogaadiyo, la isa soo booqdo, oo hadiyado la isa siiyo. Masaakiintana laga farxiyo.

4- Maalinta Nabadda, (Day of Peace), waa maalin ay Muslimiinta qalbigooda ku sugnaato deganaansho, naxariis, farxad, oo ay Muslimiinta si nabadgelyo ahna u gutaan sunnada iyo waajibaadka maalinta Ciidda, una cibaadeystaan si nabadgelyo ka buuxdo.

5- Maalin Damaashaad, (Day of Festivity), waa maalin la xaragoonaayo, ubadka loo samaynayo Barnaamijyo farxadeede, la is casuumaayo oo la is booqanaayo, iyadoo la xusaayo maalintan magaca badan ee Illaahay inoo dooray.