Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Qabuurihii Mashaaiikhda Bisinka Iyo Burdaha Akhrin jiray Ee Kisimaayo Oo Burburis Lagu Hayo

Tuesday - December 9, 2008

Kismaayo: - Warar ilaa shalay naga soo gaarayey  magaaladda kisimaaya ayaa sheegaya in Kooxaha maamula magaalada Kismaayo ay maalintii labaad burburis ku hayaan Qabuuraha ay ku aasan yihiin Mashaa'iqda caanka ka ah dalka gaar ahaan gobolada Jubbooyinka iyo Mowlacyada lagu siyaarta culumaa'uddiinkaasi.

 Afayeenka maamulka kisimaayo Shiikh Xasan Yacquub aya hawlgalkaan ku tilmaamay mid lagula dagaalamayo "Shirkiiga" ka jira magaaladda kisimaayo wuxuuna intaa raaciyay in la burburiyay ilaa iyo Afar Qabuuro oo ku dhex yiil Masjidyo gudaha magaalada Kismaayo, isagoo intaa raaciyay in dadka ay ku caabudi jireen dad dhintay.