Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf Oo Magacaabay Raisal-Wasaare Cusub

Tuesday - December 16, 2008

Baydhabo: Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Md.C/laahi Yuusuf Axmed ayaa maanta kaga dhawaqay Magaalada Baydhabo Raysal-wasaaraha cusub ee dawladda Soomaaliya.

Waxaana xilkaasi loo magacaabay Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma dheere) oo horay u soo qabtay jagada wasiirka arimaha gudaha ee dawladdi Cali Geedi, sido kale waxaa aad loogu tiriya raga saaxiibada ugu dhaw dhaw madaxweynaha oo ay gacan saar fiican leeyihiin

Magcaabista raisal-wasaarahaas cusub waxay ku soo beegantahay xili buuq badan jiro oo madaxweynaha ay ku furantahay buuq bulshada caalamka oo lagu eedeynayo inu yahay nabad diid taaso mustaqbalka aan la garaneyn sida ay u shaqeynkarto ma daama ay u muuqato arin ay fabrikaareyeen siyaasiyiin ka soo horjeeda Cabdulaahiga oo ay ula jeedaan iney bulshada dipolomaasiyiinta kaga horkeenaan saaxada siyaasadeedna ka tuuraan.