Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Waa Kan Dr. Shuceyb Yuusuf Iyo Baraarujintiisi Maalinta Jimcaha Ku Soo Dhawoo " Isbedalka Nolosha"

Thursday - December 18, 2008

Isbadalka Nolosha

Allah Subhanahu Watacaalaa, waxkasta isagaa abuuray, isla markaana maamula, waxuu usoo diraa malag, ilmaha uurka ku jira marka ay gaaraan afar bilood, waxuu ku afuufa )Ruuxa(, sidaa bay rasmi ahaan u bilaabataa noloshiisa, marxalado kala duwan buu maraa, guud ahaan, loo kala dhigo sadex qeybood.

1)   Marxaladan, Ilmaha uurka ku jira waa sida Candhuuf, waxay isu bedelaan Xinjir , kadibna ugu dambeynta waxay isu bedelaan Hilib, 120 maalmood marka ay dhameystaan, Allah waxa uu usoo diraa Malag ku afuufa nafta, Waxa loo qoraa afar arimood oo kala ah:

Risiqiisa, oo ah waxuu nasiib u yeelan doono inta uu aduunka ku noolyahay.

Ajashiisa, oo ah goorta uu dhimanayo, meesha uu ku dhimanayo iyo sababta uu u dhimanayo.

Camalkiisa, oo noqon kara mid wanaagsan (Saciid), oo ku dadaala inuu ku dhaqmo wixii Allah raali ka yahay, ama mid xun (Shaqi), mid Allah ku caasiya oo inta xun ku dadaala ama ka taliya. 

Mudada u dhexeyso, marka nafta lagu afuufo iyo marka dib looga siibo, qofkasta, waxa lasoo dersa isbedelo kala duwan oo aan la koobi karin.

Isbedelka ku dhaca qofka inta uu nool yahay, ha noqoto dhanka korista jirka iyo caqliga, ama aqoonta, waxbarashada, shaqada, dalacsiin darajo uu hayo, aqalka ama magaalada uu deganaa oo uu ka guuro, aroos ama furitaan lasoo gudboonaada, caruur u dhalata geeri ku timaada qof ehelo ah, qaraabo ama saaxiib, socdaal iyo dhoof loo aado wadan shisheeye, Qax iyo Qaxooti iyo kuwo kaloo fara badan oo aan lasoo koobi karin, ha noqoto kuwo soo dhaweyn iyo farxad mudan, ama kuwo naxdin, murugo iyo qoomamo mudan, gidigood waxay kordhiyaan culays xagga jirka ama maskaxda hadii aa loo bisleyn ama dulqaad loo laheyn, ama aan loo diyaar garoobin lana baran sidii looga hortegi lahaa ama looga gudbi lahaa si qabow marka ay kusoo food saaraan.

Hadii mid ka mid ah arimahaa aan kor ku timaamay soo foodsaarto qof naga mid ah, waxa loo baahan yahay in la siiyo wakhti ku filan arintaa si looga soo kabsado ama loo barto sidii loola qabsan lahaa, ama looga bogsoon lahaa waxyeelada isbedelku ku reebay.

Sida badan qofka marka isbedel ku dhoco, siduu doono ha ahaadee waxuu isku arki karaa calaamado ay ka mid yihiin:

Madax xanuun, Dhabar xanuun, ama Niyad-Jab (Depression), Daal fara badan, isaga oo wakhti badan sariirta saarnaa ama nasanayey.

Calaamadahaa oo dhan, waa kuwo la xiriira BiiĀ’ada cusub, iyo daal siyaado ah oo jirkaaga ka tan weyn, una baahan inaad ahmiyad gaar ah siiso, maxaa yeelay, jirkaaga waxa ay ka qaadeysaa kartida iyo awooda, dabadeedna waxay kaa hor istaageysaa inaad gudato nolol maalmeedkaaga.

Sida ugu wanaagsan ee looga kabsan karo marka isbedel kugu dhoco xaga nolosha waa adiga oo ku dhaqaaqa saddex arimood oo lagama maarmaan ah hadaad dooneyso inaad si caafimaad ku jiro uga soo kabsatid ama uga bogsootid isbedelka kugu yimi sida ay isugu xigaana waa sidatan.

1. Qaado nasasho ugu yaraan hal usbuuc oo aad fasax aado, kana baxdo magaalada aad horay u deganeyd, si aad u hesho fursad aad uga fekerto sida ugu wanaagsan ee aad uga hortegi karto isbedelka kusoo food saaray, iyo sidii aad dib u ururin laheyd awoodaada xagga jirka iyo maskaxda.

 2. Mudada aad ku jirto fasaxa, waxa lagaa rabaa in aadan sameyn wax kordhin kara daal ha noqdo xagga maskaxda ama jirka, waxa loo baahan yahay inaad sameyso, waxa ka mid ah: Adiga oo ku luga baxsada meelaha ay  ku badan yihiin dhirta iyo ubaxa sida beeraha dadweynaha (Public Parks), ama agagaarka webiyada iyo biyo galeenada si aad ugu hawo gedisato, waxa kaloo aad ciyaari kartaa ciyaaraha aan u baahneyn in xoog la isticmaalo, sida dabaasha, kubada miiska iyo wixii kaloo la mid ah.

3. Waxa si gaar ah mudan xusid, in dawada ugu wanaagsan aad ka heleyso, kitaabka Allah, noogu sheegay inuu ku koobay dawo iyo naxariis oo idil.

4. Adiga oo aan aragtidaada ku koobin xaalada kusoo food saartay oo qura, ee intaad weyneysid, dhan walba ka fiiri, talada Allah saaro.

5. Intaa waxa aad ku dartaa inaad la sheekeysato oo aad kala hadasho dadka sida gaarka ah aad ugu kalsoon tahay, isbedelka kusoo foodsaaray, maxaa yeelay, waxa suurowda iney kugu kordhiyaan, ama ku tusaan, wax farabadan oo kaa daahsan, maxaa yeelay guud ahaan jirkaaga iyo maskaxdaada si wadajir ah oo dhameystiran uma wada shaqeynayaan, marka xaalad aan horay kusoo marin oo aan caadi aheyn kusoo food saarto.

Waxa hubaal ah, talada iyo tusaalaha qof aad ku kalsoon tahay inaan laga maarmin marka duruuf adag kusoo food saarto, saaxiibka dhabta ah ee wanaagsan waxuu muuqda oo uu soo shaac baxaa marka si xaqiiqo ah loogu baahdo.

Waa inaad siiso jirkaaga mudo ku filan oo uu kagasoo kabsado waxii isbedelku ku sameeyay, waxa lagama maarmaan ah inaad ka fogaato wixii jirkaaga dhibaya oo dhan sida Sigaarka, Qaadka, Khamriga, iyo Hilibka Doofaarka, ama Xaaraan Maal aad ku kasabtay, waxa loo baahan yahay inaad quudato cuno isu dheeli tiran oo nafaqo wanaagsan leh.

Intaa waxa dheer, inaad barato dad wanaagsan oo cusub ama aad xoojiso calaaqaadka saaxiibadii horay aad u laheyd kuwooda wanaagsan oo si dhab ah u garanaya qiimaha saaxiibtinimadu leedahay.

Dhabtu waxa ay tahay, qofna inuusan ka fakaneyn isbedelka nolosha, hase ahaatee waxa ay u dhowdahay marka laga tabaabusheysto oo laga baaraan dego intooda badan in looga gudbi karo si sahlan iyada oo talada la saarto had iyo jeer Allah oo naxariis iyo nimco badan.