Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Xigasho Wargeyska Haatuf : Hablo Yar-Yar Oo 14- Jir Ah Oo Tahariibkooda La Fashaliyey

Monday - December 29, 2008

Jig-Jiga : Hablahan da’da yar oo ta ugu weyni tahay 15 jir iyo wax ka yar, ayaa u muuqday kuwo dalka la nacsiiyay

Maamulka dugsiga hoose dhexe 18-ka May ee xaafada Jig jiga yar ayaa fashiliyay qorshe la doonayay in hablo yar yar oo da’doodu u dhaxayso 13-15 jir oo dhigta dugsigaasi lagaga saaro dalka, kuwaas oo sheegay in Djibouti la gaynayay, waxaana imika kiiskaas gacanta ku haya ciidanka Bilayska.

Qorshahan hablaha lagaga saarayo dalka ayaa la sheegay in ay wadeen shabakad aan weli la aqoonsan, isla markaana aan la ogeyn ujeeddada ay ka leeyihiin inay si qarsoodi ah ugu qaadaan caruurta yaryar dibadda.

Sida ay bilayska u sheegeen hablahan yar yari waxa uu qorshuhu ahaa in maalinta Isniinta loo tahriibiyo dalka Djibouti taas oo ay wararku sheegayaan in gaadhi Surf ah loo diyaariyay hablahan si uu ugeeyo Jabouti.

Afarta hablood oo ciidanka bilaysku ay gacanta ku hayaan ka dib markii uu maamulaha dugsigaasi ku wareejiyay ayaa dhiganayay fasalka lixaad ee dugsiga dhexe Maamulka dugsiga oo aanu wax ka weydiinay dhacdadan ayaa ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo dhacdadan, hase yeeshee waxay si kooban u sheegeen inay ka shakiyeen lacag xad dhaaf ah oo ay kharash garaynayeen hablahani todobaadadii ugu dambeeyay taas oo dareen ku dhalisay macalimiinta iyo maamulka dugsigaas, kadibna ay sameeyeen dabagal, kaas oo ay markii danbe ogaadeen inay jirto cid kale oo aan ahayn waalidkood oo kharashkan bixisay.

Maamule ku xigeenka dugsigaasi 18-ka May Naasir Fagadho oo arrintaa ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “ tirada hablaha yar yar ee imika xidhani waa afar waxaanay dhiganayeen fasalka lixaad ee dugsiga dhexe, markaa waxa aanu ka shakinay lacag Doolar ah oo ay beryahan dambe isticmaalayeen taas oo aanu ku baraarugnay markii ay mid ka mid ah habalahani sheegtay in $ 40 uu fasalka kaga dhex lumay”.

Sida ay Haatuf u sheegeen Ibraahin Jaamac Hanfi(Gabalaax) oo ka mid ah guddida waalidiinta ee dugsiga 18-ka May iyo Naasir Daahir Suldaan oo ka mid ah odayaasha xaafadda Jig-Jiga yar, gabadha ka dambaysay qorshaha isla markaana maal gelinaysay carruurtan ayaa waxa ay laba bilood ka hor ka soo guurtay magaalada Muqdisho.

Ugu horeyn Ibraahin Jaamac oo arrintaa ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “ waxa aanu ogaanay inay arrintani socotay muddo badan isla markaana ay jiraan carruur kale oo iyagana la doonayay in laga kaxeeyo Hargeysa, waxaana ka mid ah Dugsiga Axmed Dhagax oo arday badan la rabay in laga qaado, gabadha lacagta waxa u soo dhiibay niman aan la aqoonsan, guud ahaan lacagta ay iskuulka keeneen hablahan yaryari waxa ay dhamayd $500 dollar, waxa kale oo jirtay $900 oo ay dukaan dhigteen, kamarado iyo moobilo qaali ah oo ay iibsadeen habluhu, waxaanu qorshuhu ahaa in laba cisho ka dib la geeyo Djibouti”.

Naasir Daahir Suldaan oo isaguna ka mida guddida odayaasha ayaa yidhi “ gabadha lacagta qaybinaysay laba bilood ayay Hargeysa deganayd waxaanay ka soo guurtay Muqdisho, inanteeda yar ayay lacagta u soo dhiibi jirtay, gabadhani Hay’ad bay u shaqaysaa, waxaana la tuhunsan yahay inuu bixinayey nin baadari ah oo Talyaani ahi, waxa dhacday markii ay ogaatay in laga shakiyay ayay u baxsatay Berbera, hase ahaatee dib ayey u soo noqotay , waxaanay iila egtahay in qorshahani Muqdisho ku lug leeyahay”.

Wararkan ayaa waxay intaa ku darayaan in hablahan loogu balan qaaday in marka ay dhamaystaan imtixaanka dugsiga la gaynayo dalka Djibouti, halkaana ay ka sii dhoofin doonaan.

Arrintan ayaa fashilantay markii mid ka mid ahi ay maamulaha iskuuulka maalin ku tidhi ‘macalin waxa la iga xaday $40 dollar, kadib macalinkii ilaa waalidkeed ayuu xogwaraysi ugu tegay oo waydiiyey in gabadhoodu lacag intaa le’eg ay soo siiyeen, balse ay waalidku macalinkii u sheegeen in aanay soo siin kharash intaas leeg, arinta hablahan yar yar ayaa dadka qaar ay ku xidhiidhinayaan hay,ado ajaanib ah, halka qaar kalena ay sheegayaan inay ka dambeeyaan ururada argagixisadu.