Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Tacsi

Tuesday - January 6, 2009

                      Inaa-lilaahi Wa' Inaa-lilahi Raajicuun

 Waxaa Xalay oo taariikhdu ahayd 6/01/2009 magaalada Kitchener ee cariga kanada si kadisa wadnihiisa hawshiisi gababay awgeed uu geeriyooday Alaha ha u Naxariste marxuum Aadan Maxamed-rashiid Xaaji Maxamuud Cilmi waxaana bahda shabakada Galdogob Times u tacsiyneysa xaaskiisa iyo caruurtiisa iyo dhamaan ehelada reer Xaaji Maxamuud Cilmi oo ku sugaan gudaha dalka iyo dibada intaba oo aan Eebe uga baryeyno inu siiyo naxriista janno iyo inti u ka geeriyoodana samir iyo iimaan jamiil ah.

Marxuum Aadan Maxamed-Rashiid oo ku dhashay kuna barbaaray magaalada kisimaayo waxuu caan ku ahaa Xaga ganacsiga isagoo mudooyinkii dambe baadigoobka nabad ka dhalata geyigaas jubada hoose oo markasta Oday ka ahaa abaabulka nabada halkaas lagu sugaayo, marxuumku waxuu ifka uga tagay 2 gabdhood iyo 4 wiil oo dhamaantood jooga dalka kanada magalada Kitchener.