Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Siyaasada Males Iyo Seyoum Masfin Oo Raad Abeesoo Kale Ku Shaqeyneysa

Tuesday - January 6, 2009

Addis Ababa- Waayahaan dambe Shacabka Soomaaliyeed waxay su'aal badanaa iska weydinayeen suuragalka ka bixitaanka ciidamada itoobiyaanka gudaha Soomaaliya waxayna taas keentay in shaki la galiyo goorta iyo waqtiga ay bixidoonaan ciidamadaas. 

Dowladda Itoobiya oo beryahaan la soo baxeysa siyaasado ay buuq dhalin ula jeedo darteed ayey ku boorisay madaxda dowladda KMG ah inay meel iska dhigaan heshiiska Jabuuti islamarkaana ay doortaan madaxweyne cusub, taaso loo qaatay ineyba diidantahay heshiiska ka dhacay jabuuti waana arin horay looga shakisana iney heshiiskaas ka soo horjeeday.  

Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Seyoum Mesfin ayaa sheegay in loo baahan yahay in la raaco dastuurka dowladda KMG ah oo qeexaya in muddo 30-maalmood ah lagu soo doorto madaxweyne cusub, waxaana uu ugu baaqay madaxda dowladda KMG ah iyo xubnaha Barlamaankaba inay raacaan dastuurka.