Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Hadaadan Koleyba Deyneyn Tahriib Akhriso Warbixintaan Ay Soo Saartay Hay'ada Qaxootiga Ee UNCHR

Sunday - January 11, 2009

Warbixin ay soo saartay hay'ada qoxootiga u qaabilsan ee UNCHR waxay sheegeen inay 67.000 oo doonyood oo sida tahriibayaal ay ka soo gudbeen Badda..... 38,000 doonyood oo ka mida doonyahaasi waxay soo gaareen Wadamada ku jira Badda Dhexe, halka doonyaha qaarkoodna ay bada ku dageen ama la waayey qaarkoodna inta jihadii ay ka luntay dabadeed ku noqdeen halki ay ka yimaaden.

Tahriibaayashu badankoodu waxay qoxootinimo waydiisteen wadamada ku gadaaman bad-wadaagta dhexe " mediterranean sea"  ee Italy ,Cyprus, Greece iyo Malta..... kala bar dadka qoxootinimada waydiistay looma aqoonsan qoxootinimo ka dib markii ay buuxin waayeen shuruudihii qoxootinimo ee looga baahnaa oo waa sida ku xusan warbixinta UNHCR.

Talaadada inagu soo foodle ee bishu tahay 13Janaayo ee 2009 waxaa kulan isugu iman doona Wasiirada arimaha Gudaha ee Italy, Cyprus,Greece, iyo Malta. si looga wada xaajoodo culayska qoxootiga iyo tahriibtu ku hayso iyo sidii looga hortagi lahaa xaaladahan sii kordhaya iyadoo aan laga tagayn xuquuqda bani'aadamku leeyahay iyo xeerka u yaala qoxootinimada , waxaana sii kordhayaa cabashooyinka ka imanaya wadamada ku jira bada dhexe.