Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Macallin Aadan Madoobow Lax Waliba Shilalka Ay Is-dhigto Ayaa Lagu Gawraca

Monday - January 12, 2009

Baydhabo- Mogadisho: Sida muuqata Macalinka Shiikh Aadan madoobe oo hadda sii hayaha jagada madaxweynaha ahna gudoomiyaha barlamaanka ayaa mooda in xidigiisi soo qaloocsamay cadkii u ku lahaana dawlada ku meel gaarkana u ka ciidoobayo.

Macalin Aadan Madoobe oo sida la sheegay waayahaan dambe qooq iyo awood sheegsho sharciga baarlamaanka si bareer ah uga xad gudbay dhabar-jabina ku sameeyey ragii isagaba darajada sare iyo libinta u haysto soo gaarsiiyey..... maanta ayuu jar ka laalaada markii Nur Cade iyo General Gabre meel banaan uga dhaqaaqeen oo weliba gawrac la doonayaan iskaba daah jago loo ballan qaade.

Doqonta dhaga-weyn ban ogeyn dibinka hoos yaale Macalin Aadan waxaad mooda inu hadda baraarugay ogaadeyna inu qalad galay beena loo sheegay oo ragiisi la jaalka ahaa si doqonimo ah ugu candhuufay.....Abaal ka dhaco waa diin-xumo oo ma aha wax fiican, wadadku intusan jagada qabsan caloosha wey xirneyd kadibse ciidna ma mooga sida ay xalus u yeelatay waxaana ilaah ka sakow fadligaas lahaa ragii la halgamay oo ku mintiday jagadiisaas......Maanta waxaa wadaadka u soo baxday sawiir isagoo laga xayuubiyey jagadiisi raisal-baarlamaanka oo tahliishiisi iyo arimihiisi khuraafaadka burdaha sidi kudkude la dhex fadhiya buula eelaayda baydhabo godina la hortaagan al-shabaab u haraadsan iney gawracdo.

Aadan madoobe markuu ogaaday inusan boos uga banaaneyn shirka jabuuti oo ku lumindoono jagadiisa raiisal baarlamaanka waxuu bilaabay inu yirahdo madaxweynaha waxaa lagu dooranaya magaalada baydhabo oo cahdiga ku meel gaarka ah waa in la tixgaliyo taasoo sida la sheegay u ula jeedo in lagu soo msalaxeeyo balanqaad jagadiisa loo deynaayo.taasna sida la leeyahay ciid u balanqaadi-karta ma jirto, waayo Genral Gabre oo hadda amarada Nairobi ka soo bixiya amar ma siinkaro isbahaysiga.

Dhinaca kale waxaa arinta doorasha madaxweynaha cusub sidoo kale ka hadley xoghayaha warfaafinta ee Isbahaysiga Dib U Xoreynta Saleymaan Colaad Rooble oo sheegey hadalka ka soo yeerey ku simaha madaxweynaha dowlada federaalka Sheekh Aadan Madoowe ee ahaa in doorashada madaxweynaha DF ay dhici doonto 26-ka bishan kana dhici doonta magaalada Baydhabo uu yahay hadal  aan laga fiirsan islamarkana wax u dhimi kara heshiiskii Jabuuti asaga oo ugu baaqey mas'uuliyiinta dowlada federaalka in ay dhowraan heshiiska Jabuuti lana dhiso dawlad loo dhanyahay iyada oo qaabka doorasha u dhaceyso loo magacaabayo gudi ka kala socda labada dhinac.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa isagana uga digey mas'uuliyiinta dowlada Federaalka in ay doortaan madaxweyne cusub xilli la doonayo in la soo dhiso dowlad midnimo qaran.