Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Jimcaha Maanta Iyo Baraarujinti Dr. Shuceyb Yuusuf Iyo Casharka " Caafimaad Iyo Cudur"

Thursday - January 15, 2009

Waa labo xaqiiqo oo iska soo horjeeda, sida badan ereyga caafimaad dad kala duwan hadii aad weydiiso macnaha uu ku fadhiyo, qof waliba waxa uu ku fasirayaa si gaar ah oo ka duwan sida aad u haysato in caafimaad yahay.

Adiguba is weydii waxa aad ku fasiri laheyd caafimaad, waxa la hubaa inuu ka duwan yahay aniga sida aan kuu tusi doono ama dadka intiisa badan ay u haystaan.

Ururka caafimaadka aduunka (WHO), waxuu ku tilmaamay caafimaad inuu yahay marka qofku ka badbaado ama ka nabad galo cudurada jirka haleela ama maskaxda ama bulshada uu la nool yahay ka qaado, kuma kooban ka samata baxa cudurada jira oo qura.

 Sida halkan ka muuqata, caafimaad ma aha oo qura inaad cudur ka nabad gasho, sida ururka caafimaadka aduunka uu tilmaamay, ee waxa weeye, ka samatabaxa cudurada ku dhaca jirka, maskaxda iyo bulshada.

U’fiirso, hadii bulshada aad la nooshahay caafimaad qabin, si kasta oo jirkaaga ama maskaxdaada ay u caafimaad qabaan weli qof ahaan caafimaad kaaga ma dhameys tirna.

Dadka aqoonta u leh cilmiga caafimaadka waxay isku dayeen iney balaarshaan macnaha ereyga caafimaad leeyahay, kadibna waxa ay isku raaceen oo ay ku fasireen iyaga oo yiri:

“ Si loo gaaro ka samatabax cudur oo dhan waa mid aad u fog oo aan la

gaari Karin, hase yeeshee waxa ugu wanaagsan ee la tiigsano karo waxa weeye in la helo caafimaad guud ee wada gaara qeybaha kala duwan ee bulshada.

Nin kale oo aqoon yahan ah waxa uu yiri:  “Caafimaad yaan loo qaadan wax sahlan oo la gaari karo sida WHO ay sheegtay, si loo helo caafimaad dhan waxa runtii ugu dhow, qofka oo lagula dadaalo in aysan ku dhicin cudurada faraha badan ee kala duwan ee aduunka ka jira iyo sidii uu ugu noolaan lahaa xanuun la’aan cimrigiisa gaaban inta uu dunida joogo”.

Sida noo muuqata waa la isku waafiqi waayay waxa caafimaad dhabtii lagu tilmaami karo, aqoonyahanada isku dayey in ay macneeyaan ama fasiraan waxa uu ku noqday mergi nin waliba dhankii uu doono u jiito.

Si kasta xaal ha noqdee waxaan halkan ka korodsanay sadex arimood oo ay carabka ku dhufteen iskuna raaceen dadka aqoonta sheegtay: