Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Odayaasha Hawiye Oo Ka Calaacalay Baaruuda Ay Buufiyeen C. AMISOM Kuna Cagajugleeyey Rogaal Celin

Sunday - January 25, 2009

Mogadisho : Odayaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye ayaa markii u horeysay weerar kulul oo afka ah ku qaaday Ciidamada AMISOM, iyagoona ku eedeeyay inay marayaan wadadii ay mareen Ciidamada Ethiopia ee isaga baxay Magaalada Muqdisho.

Odayaasha Hawiye ayaa si siman waxay u sheegeen in Ciidamada AMISOM shalay ku dhaq dhaqaaqeen fal xasuuq ah oo ay u geysteen dad shacab ah, kadib markii qarax lala beegsaday, isla markaana bilaabay Madaafiic ay u qeybiyeen Xaafadaha Muqdisho.

Gudoomiyaha Odayaasha Hawiye Maxamed Xasan Xaad ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM ay cadaw yihiin, isagoona horay afkiisa laga haayo in AMISOM aanay Cadaw aheyn oo aanay la mid aheyn Ciidamada Ethiopia.

"Cadawga Uganda iyo Brundi waxay shalay xasuuqeen dad shacab ah markii qarax lala eegtay, aniga kama hadlayo qaraxa dadka ku dhintay ee masaakiinta ah, laakiin qaraxa kadib waxa dhacay ayaan ka hadlayaa" ayuu yiri Maxamed Xasan Xaad oo sheegay in shacabka u taal cida mar walba dhibaateysaneysa sida qaraxii is-miidaaminta oo uusan carabaabin cida ku lug leh.