Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Dameeradi Sangaha Laga Sareysiiyey Garana-Waayey Ayaa Maanta Baydhabo Cirbaha Silsilad Laga Gashey

Monday - January 26, 2009

Bayahdba : Sida hadda warku nagu soo gaarayo Maleeshiyada diimeedka sheegta Al-Shabaab ayaa gabi-ahaanba magaaladi baydhabo la wareegeen, isla markaana la cadeeyey iney gacanta ku dhigeen Gudoomiyihii Gobalka Bay iyo Xildhibaano ay ka mid ahaa-yeen Maxamed Ibraahim Xaabsade, Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow, Saransoor iyo Xubno kale waxaana la sheegay iney cirbaha silsilad ka gasheen, walow warar aan la sugin ay tilmaamayaan in qaar aan la hubin xuriyadoodi la siiyey

Waxaa kalo la sheegay iney fariisimadii Ciidamada Ethopian-ka ay fariisin ka dhigteen Ururka Al-Shabaab ee iminka ku gaadaaman Magaalada idil-ahaanteeda.

Sida warku xusayo Al-shabaab Magaalada Baydhabo waxay la wareegeen, kadib markii Maanta halkaasi uu Dagaal goos ah ku dhex maray Kooxo laba dhinac ah oo ka kala soo jeeda Deegaanada Baydhaba.