Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 7 May 2024

M. Dheere Iyo Xildhibano Kale Oo Uga Baxay Baydhabo Dhinaca Luuq Iyagoo Baryaya Yaasiinka

Tuesday - January 27, 2009

Baydhabo :Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (M/Dheere) iyo Xildhibaano ka soo jeeda Gobolka Gedo ay safar dhinaca dhulka ah uga baxeen maalinimadii shalay xilli Magaalada Baydhabo ay ku hareereysnaayeen Xoogaga Alshabaab.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Maxamed Dheere oo filanaayay in Diyaarad ay u timaado Baydhabo dabadeedna ka soo qaado ayaa la sheegay in diyaaradaas ay u imaan weyday, taasoo keentay inuu go'aansado in safar dhulka ah uu uga ambabaxo, dabadeedna uu horay usii raaco Ciidamada Ethiopia oo safar ku sii ah xuduuda ay la wadaagto Soomaaliya, kadib markii ay ka baxeen Magaalada Baydhabo.