Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Madaxwyne Shariif Oo Maanta Soo Gaaray Mogadisho Su Ula furo Wada Hadal Odayaasha Dhaqanka

Saturday - Feb 7, 2009

Mogadisho :Madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed Ayaa maanta ka soo dagay garoonka  dayaaradaha Mogadisho ,wxaana halkas salaan u kaga qaatay cutubyada salaan sharafka kadibna loo soo gudbiyey Xarunta Villa Somaliya iyado ay soo galbiyeen ciidamada AMISON iyo Askarta ku sugan Villa Soomaaliya ee u badan Reer Punt-land.

Madaxweynaha Shiikh Shariif oo hadal kooban saxaafadda ku siiyay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa sheegay in uu Muqdisho u yimid in ay wada hadallo la furaan Odayaasha Dhaqanka, Siyaasiyiinta, iyo Xoogagga wax iska caabinta ah ee ku sugan Magaalada Muqdisho.

Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ayaa waxaa haatan ka socda kulamo uu madaxweynaha la leeyahay Maamulka Gudaha ee Maxkamadaha Islaamka,  iyadoo sidoo kalena la filayo in uu madaxweynaha kulan la qaato Siyaasiyiinta, Odayaasha Dhaqanka iyo Waxgaradka Muqdisho,waxaana shirarkaas kadib la filaya inu dib ugu laabto Jabuuti oo ay ku suganyihiin Xubnihii Baarlamaanka oo la doonayo iney halkaas Go'aamo ku gaaraan.