Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Animal Drama

Tuesday - Feb 10, 2009

NIMAL DRAMA...Waa sheeko ku saabsan xayawaanka duurjoogta ah ee Afrika oo shir weeyn ku qabsaday kayn ku taala badhtamaha Afrika 


 Waa sheeko ku saabsan xayawaanka duurjoogta ah ee Afrika oo shir weeyn ku qabsaday kayn ku taala badhtamaha Afrika. waxay uaga hadleen qodobada soo socoda sidatan:-
1.Qoladii la odhan jiray  Bani Aadam faro-baas ayay ku hayaan Duurjoogta iyo noloshoodaba. Sidii looga hortagi lahaa arintaa iyada ah, waa qodabka koowaad.
2. Duur joogtu way is dishaa, wayna is cuntaa. Sidii ay isu nabad gelin lahayd, waa qodobka labaad.
3. Sidii is aamin loga dhex dhalin lahaa  Habar-dugaaga iyo Ugaadha oo labaduba ka tirsan qooyska duurjoogta , waa qodobka sedexaad.
4. Sidii ay hogaan mid ah u yeelan lahayn, waa qodobka afraad.


I

 

Kulankii waxa isugu yimid labadii qaybood oo dhan oo ka kooban Duurjoogtii:
Qaylaa yeedhay ! - Shirku waa furanyahay. Shirku waa furanyahay ayaa dhawr dhinac laga yidhi.
D'acawo, ayaa hadalkii u baxday:  Horta waa shirkii u horreeyay ee labadeena haamood aynu soo hannano la-iskuna soo horfadhiisto.
Shirka yaa hagaya hadalka yaa qaybinaya ?
Adigaa ku haboon (ayaa la yidhi).
Howraarsan iyo guddoon D'acawaa hagaysa.
Dhamaan waad hadli-doontaane, anigu aan ku horreeyo (D'acawa tidhi).
"Hiirtaanyaa ina jiifta, Aadmi baa ina haleelay oo Ugaadhii hurdiwayday!! Badh hilbeey ka dhigteen badhna way huwadeen hargahooda wanagsan, geesihii ka hadhayna hoygooday ku sharxeen. Wiyishii baa hadhsanwayday , Maroodigii baa habqankiisii harooreeys kor u dhafay, shabeel daa hadalkiisa ! dhibta ay huriyeen ma soo hoorin karaaye - haldalka yaa u baxaaya !!! ?".
Doofaar-baa yidhi haa, Anigaa holanaaya,  hadalkaaga D acawooy waxa aad ku dartaa - Daaqii bay jarayaan, Degalkiibay gubayaan, Dhirtii bay diiranayaan. iska daa dudo fiican eh miyuu Diin carmo daaqay!!! Dabnihi cuscuslaayee uu sida wiish dalacaayay Gerigii ma dabooshay !!! Daristii la yaqiinay ma Doofaarbaa ku ciyaara - saw abaar dig-ah maaha!!! Isku soo wada duuboo, dambiga ay galayaan ma daboli karayee ha la qaado dagaal".
Libaax-baa hadal deexday - Doofaaraw ma dhamaysay ?, Doofaar-baa yidhi Maya , in yar aan ku daro  Wax ka sii daran taa, wa dagaalkan sokeeyee duurjoogtii ka dhexeeya. Idinba waa na dishaan, Dugaagow na cuntaan. labadaa dab dhexdooda (dhibta aadmiga & dhibta Dugaaga) yeey ugaadhii dugsataaye !! dawadeeda kumaa dil-di-laacin karaya ?."
Daayeer-baa yidhi anigaa isku deyaaya, hadalku yuu inaga duulin,  Aarow i dhagayso, Arbana wa maqlayaa - Ugaadhoo daldashaan-ood malinba qaar aydun dishaan, loo dul qaadani mayo. Dulmi baa ka aloosane iska daaya sidaa. Innana aaynu dadalnoo (Ugaadha) xoolahan dusheena iyo dacaladeena ka buuxa ee dadku ay dhaqayan aan u soo didino dabadeed ha cunnaan. Ha'yna daayaan markaas oo nabaad aynu ku daaqno".
Aarkii-baa yidhi:  D'acawooy waad maqashaa halkay doodu marayse, wax miyaad ku dari? Maya ; aan ku deeyno sidaa. Aarkii-baa (hadalka ku noqday) "Dubutaag iyo Cawl ama Deerada joogta dib loo soo qabanmayo. Aniga oo ah duqii; habardugaagow i dhagayso. Heshiis baynu duqaynay, qalinkaynu ku duugnay, nabad oo lagu daaqiiyo inaga oon is durraynin baan arintii ku daboolaye, Dareenkiinu sidaa Dugaagoow ma qabaa ? Haayo waanu qabnaa ( Dugaagii baa ku jawaabay ).
Dameer-baa yidhi, bal i daaya markayga anna aan darbadee, "Horta kaa yaga duurka heshiiskana dabaqaaya (wa Dameer dibadeedka eh) kaayaga daakhilka jooga ee dadku ay rarayaan, Dugaaga waa-u-fasxnay ina ay dudubashaan ooy dabarkiisa jaraan. Waraaba doc ka yeedhay  Waan ku diirsaday weedhaa, dahab weeye sidaasi.
Dabagalaa yidhi hee, "Intaynaan ka darreerin xafladeenan dugsoon, maynu doorano ruux danaheena illaasha".
Doofaar-baa yidhi ha, "Anigaa u diyaar ah. Deeraa tidhi yaa !!?, MAYA, ha la doorto Dameerka.
Dacawaa tidhi jooga, "Dunidu waa dumuqraadi, doorasho aynu samayno. Hawsha yaa u diyaar ah ?
Doofaarow adi koow, Dameer oo ay sharaxeen dubtaagta iyo Cawsha iyo Deeradan taagani, aniga oo D'ayo ah . Ma cid baan ku daraa ? Yaa kaloo u diyaar ah !! ? - Aan ku dayno intaa".
Wiyishii baa hadal dooxday, "Haddii aynu danteena iyo ka hadlayno daryeel, Daayeerkaa ku macaane ha la doorto walaal".
Maroodigii baa dib u jeestay, "Hadalku waa dabranye wa inoo duhurkan duhurkiisa kaleeto. D'acawaa tidhi "Ya, meeshu waa dumuqraadi . Dabagale laftiisu haddii uu damac qaado ha iska soo daf yidhaahdo".
Dabagaalaa yidhi D'acawooy bal u kaadi !!! Hadalka waa la dabree,dooda maad iska dhaaftid  Sidii uu duqu sheegay waa in oo duhurkan duhurkiisa kaleeto".

II

 

Duhurkii ka dambeeyay, madashii oo dalaysan baa Doofaarkii lagu doortay. hambalyo - hambalyo - Doofaarow hambalyo , buuqii ba damiwayay . Hal Cabaar dabadeed - Dacawa tidhi jooga "Doofaarku waa hadlayaaye naga daya durbaanka".
Doofaar-baa yidhi, "Horta dareenkiinan wanagsan waan ku diirsaday maanta. Kol haddii la ii doortay amar kaan dajiyo lama diidi karayo. Hadaan qaado dagaalna dib u laabad ma yeesho. Daniihiina oon ka shaqeeyo weeye doorashadaydu.
Badhkiin duubka ha qaato oo daraawish ha ahaado, Darista tii u wanaagsan iyo ha isku deeyro halkaan hadba daaq ka helaayo. Durdurkii biyaha iyo yaanan waayin daryeel. Badh difaaca naftayda iyo ha u joogo dagaal. Badhna dood celinta, diyarintii xafalaadka, damaashadka ciyaarta ha u ahaado diyaar. Sacabakii-baa dami waayay !!! bal maxa ka dambain !!!!

III

 

(Markii uu dhamaaday wakhtigii u xilka haynlahaa Doofaarku ayay habar-dugaagu is weeydiiyeen in si fiican loo fuliyay heshiiskii Duurjoogtu wada gashay, in Doofaarka dib loo doorto iyo in xilka laga qaado)
D'acawaa tidhi heedhe, "Dugaagoow i dhageeysta bal inaanu Doofaarkii dan i noogu maqnayn durba gaajada eega dugaagoow inna haysa. Heshiiskii aynu duqaynay doc qudhuu u adeegay, in dib loo saxo weeye. Aniga oon dul mareeyn Doofaarkii ha dhaco. Xil Dugaagu hogaansho dib ha loo anbaqaado."
D'acawooy bal u kaadi, haddii aan ahay Deero deg deg weey sidaasi. "Aan Doofaarka wacno dambigiisa u sheegno. Haddii aad dulmantihiin idinkoo ah Dugaaga dawadeed ha la raadsho, duluc-dayduna-waa: kala daadinta Beesha (Duurjooga) labadeena docoodba khasaara u dul saran.(fariin baa la diray Doofaarkii imanwaa).
Libaax oo diiday halkay Deero abaartay, ayaa dood cadho leh dam ku siiyay shirkii  Duurjoogqtaay i maqala, xoolo soo didisaan dabeed aanu cuno idinku diide midhkaa. Hayeshe daaqsinta weeyn nabad waa ku degteen daaqnaa waa ku qabtaan, durbaa waa cayisheen  Ananna waa daranyo diiftan aad arkaysaan. Doofaarkii wuu dhacayaa, dabadeedna heshiiskii koleey waa dumayaa  dagaalku wa iska halkii.
Daayeerbaa yidhi hee  Waa in aynu danteena waxoogay damqasho ah Dugaagow u la haano. Inagoo isku duuban Doofaarkii waa ridaynaa. Midse aan ku daree - yaa damiin noqonaaya in aydaan duminayn heshiiskii aynu duqeeynay, yaase dooranaysaan ? Ma shabeelkan dushayda durba ciil dikriyaaya !!?
Libaax-baa yidhi  Horta doodu xumaan daayeeroow uma baahna. Shabeelku Dugaaga wa la duubanyahay haddii u dikriyaayo iyo haddii u il dabaayo, D acawoo badesha Doofaarka aragiisa ayaan doorbidayaa. Isku duubnidaad sheegtayna dafiraadu ma fiicnee idinka ku danaystay.
(Sacabbaa damiwaayay, D'acawaa taajka la saaray  lagu dooray halkii, Doofaarna waa ka maqnaa)
Maroodigii oo dadbanaa oo dusha guud-uun ka maqlaayay halka doodu marayso ayaa sheegay dareen  Ma waxaad damacdeen Doofaarka oo la rido, D'acawoo qabata xilkan doodu ka joogto !!!? Haddii aynu ka duulno dumuqraadiyad-guud iyo heshiiskii aynu duqaynay la isu duurxulimaayo - Dacawooy hambalyo .
Dacawaa tidhi haa, "Arbee daacad ka weeye doodan aynu naqayno. Aan ku soo durko hawshee, dacwad aynuu aloosno wixii uu dambi geeystay Doofaarkii ha ogaadee iyada oo looxyo dushoodiyo dahrigeena ku taala dibadbax aynuu samayno".
Dabagaalaa yidhi yaa!! Inta aad dacwadeena dibadbax aad ku xidhayso Doofaarkii waa la ridee dagaal aynuu ku qaadnoo, daaqada aynuu ka tuurno.
Diin oo ku dhawaa Dabagaalaha yeedhay ayaa diiday midhkaa  "NO  NO, waa dabuub qaldan taasi, aniga oon Dabagaale doqon aan u malaynin dajiya oo arinteena ka ilaasha dagaalka."D'acawaa tidhi jooga, "aynu dooda xidhno - Shirkii waa xidhanyahay, kulankeena kale waa inoo barito"

IV

 

Subixii dambee iyadoo D'acawo hor kacaysa dagaal dumuqraadiyad sheegtay- baa laguu qaaday Doofaarkii halkii uu daganaa. Iyagoo dagta saary boodhadh ay daabaceen oo dulucdoodu ahayd Doofaarkii ridistiisa Dibadbax ay ka dhigeen.  DOOFAAR DHARGOOW DIBAD U SOO BAX  DOOFAAR DHAGOOW DIBAD U SOO BAX. (ayay ku dhawaaqayeen).
Doofaarbaa yidhi "Hayaay-hayaay, Dayaan baan maqlayaa!!! Hello Dad-ciqaabe, gurigayga dushiisa dayaanbaa ka baxaaya  duulna way safanyihiin oo daaqadaan ka arkaa!!!
Dad-Ciqaabaa yidhi " Doofaar iska seexo waa Duurjoogtii ku soo dooratay waagii oo damaashaad iyo heeso kuu dabaaldagayse" .
Hello, Hello, Dad-ciqaabe way igu soo durkayaan, dalbo ciidanka jooga.
Hello Doofaar, hello Doofaar, dibadbax weeye khafiif ah. Anagaa dusha joogna iyo Dayrka korkiisa - Adigu daristaadii wacnayd waa iska daaqi kartaa.
Hello Dad-ciqaabe Dan-ragaadshe u yeedh. Damiya buuqa dhacaaya, deg deg baan u rabaa!!!
Doofaar waan maqlayaa, anigaa isku dayaaya  igu daa arintaa - igu daa arintaa
Hello Dad-ciqaabe - Doofaarbaa hadlaya "Haddii aad damacdaan in difaac aaydun gashaan, intaydaan wax dilin, bal waydiiya dantooda !!!?.
Doofaar waxy rabaan in aad ka dagto kurisigii laguu doortay. Boodhadhkay lulayaan wax ku daabacan weedho in doofaarkii la riday, D acawaana kursigii loogu daadshay caleemo.
Hello, hello, Boqno-gooye "Bahal oo dhan u yeedh, ku bilaaba dagaal, baabiyaa dhamaan".
(dagaalba dhacay, Doofaarkii iyo ilaaladiisi ayaa la jibiyay D'acawaa qaaday xilkii)


( Dhamaad - Qaybtii 1aad)

By:- Abdi Kassim Hashi