Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

ii Talinmesi, Ku Talinmaayo, Wada-Tashanmeyno, kala Tagimeyno, Taada Ma-yeele, Tiisu Ma- Anfacdo

Friday - Feb 13, 2009

Somaali dhibka Waa wada saameyey, laakiin dadweynaha ku nool koofurta waxay nasiib u yeesheen dil iyo qax joogta ah, waxaa cajab ah mogadisho waxa ka dhigay madafac joogta ah, meydka daadsan iyo maryo-dhiig leh, yaa mogdisho kaliya mehershay inta kalana malko nabadeed iyo carro-madiino ka dhigay.

Laga soo billaabo 1991 dadweynaha Koofurta Somaaliya waxay noqotay hoy bahallo galeen ah oo halaq iyo habardugaagba ku dhuuntaan...Faragelinta shisheeyuhu waa mid xoog badan oo xawli dheer ku socota Sidii loo jebiyey Cusmaaniyiintii Muslimiinta u talin jirtey oo kale.... go’aanka reer Galbeedku waxaa weeye in Muslimiinta si dadban loo gumeysto oo dhulkooda laga hirgeliyo dhaqan xumada Cilmaaniyada oo dulucdeed tahay in laba nin is-guursadaan.

Ka dar oo dibi dhal Hadafka Meles Zenawi waa in Somaaliya loo qeybiyo (LixLan = Somaliland, Puntland, Midland, Banadirland, Bayland & Jubbaland). Shirqoolka shisheeyuhu u maleegay maangaab Maryooley waxaa sii kaabay oo dardargeliyey aqoondarrada Somaalida oo ah reer guuraa aan is rabin.

Reer Galbeedku waxay Somaaliya u diidan yihiin xukuumad hanaqaada iyo xasilooni, maxaa yeelay Somaalidu waa Muslim madow oo si gaar ah u takooran, waxaana loogu talogalay in laga dhigo SHAYBAAR lagu tijaabiyo dhaqan-xumo oo dhan. "Qaytoor duco uma calaf leh" waa halhays laga yaqaan gobollada dhexe. Waxaa lagu beddelay "Xamar Xukuumad uma calaf leh" oo xaasid iyo doqon baa ka taliyey.... ii talinmeysi... kuu talinmaayo... wada tashanmeyno... kala tegimeyno... Taada ma-yeele... tiisu ma-anfacdo.

Burburkii Dawladi Maxamed Siyaad Barre kadib waxaa la caleemosaaray Cali Mahdi Maxamed oo loo igmaday madaxweyne ku meel gaar ah mddo laba sano ah... Durbadiiba waxaa soo ifbaxay halkudhegga LOOMA-DHAMA oo ah eray-bixin siyaasadda Somaaliya ku cusub, waana hirgalay oo ilaa maanta waa lagu shaqeeyaa.

Generaal Maxamed Faarax Caydiid oo gadaal ku wata Yamyam iyo Qadaad-weyn ayaa yiri looma-dhama... dadweynaha reer Muqdisho waxay ku waabariisteen madaafiicdii ku caanbaxday "Howsar ku garaaca, Hoobiye ku xasuuqa"  17/11/1991 ilaa 03/03/1992 waxaa socday dagaalkii umulo-dooxa ahaa oo lagu xusuusto “Halaaggii Ummada” waxaa laga macaashay 50% naf iyo maalba in Banaadir la burburiyo isla markaana hurgumadii dagaalku waxay ku sii fiday gobollada Koofur Galbeed oo waxaa laga dhaxlay cagabararkii iyo macaluushii ku habsatay Kismaayo-Baardheere-Baydhabo ee loogu magacdaray geeridii seddax xagalka "The triangle death".

Waxaa kulmay daandaansigi Cali Mahdi oo ciidan ku meershay xafiiskii Caydiid iyo Jeneraalka oo aaminsanaa inuu madaxtinimada u soo halgamay... Maxamed faarax Caydiid iyo dagaal Oogayaashi ku harersanaa waxay war ka dhigteen "Gulufka joojinmeyn... Gadaal u laabanmeyno  ...Gees u leexanmeyno...Goobta dhaafimeyno...Garta qaadanmeyno" ee ku wajahan hadafka gurracan iyo hanqaltaag dhalanteed laga dhaxli cawaaqib-xumo iyo cadowtooyo raagtay.

Mudulood oo waagas laga hub badnaa, inta badan ciil-qab iyo calool-xumo ayaa asiibtay..." Rag haddaad collowdaan ciidanse u weydo, hadaba waxaad ku ciilbixi-kartaa kuu cawo adduun ah” ayaa halhayskoodu ahaa.... madaafiicdii jidka warshadaha laga riday ee degeenka Woqooyi-Bari Xamar lagu garaacay waxay uga jawaabeen madaafiicdii Xabashidu ku xasuuqday deegaanka Woqooyi-Galbeed Xamar. Madaafiicdii Caydiid, Abgaal waxay kaga jawaabeen "Afar biloodkii adkaataye, bergaan Uuraal ku aarsahaa"

Shalay Caydiid wuxuu dagaalka ku galay SNA, Cali Mahdina wuxuu ku galay SSA oo billaawgii dagaalka nin walba wuxuu garabka-ku-hayey gaashaanbuur la hadoodilay taasoo loo qorsheeyey isku-jabka beelaha USC. Balse markii dambe dagaalkii wuxuu ku biyoshubatay umulodoox u dhexeeya beelihii la hoday oo hormoodkoodu ahaa Habargidir iyo Abagaal.

Saansaanta muuqata maanta magacii SNA & SSA dabcan waxaa lagu beddeli doonaa summadaha cusub ee kala ah Mujaahid & Xarakatul Islaam, waxaana hirgeli doona gaashaanbuur cusub oo la mid ah tii 1991kii. Sida muuqata Sheekh Shariif iyo Sheekh Aweys waxay dhaxli doonan Cali Iyo Caydiid. Sidoo kale Xasan Turki wuxuu beddeli Axmed Cumar Jees. Muqtaar Roobow wuxuu beddeli Maxamed Nuur Caliyow. C/maan Janaqow wuxuu beddeli Maxamed Qanyare, Cumar Xaashi oo ah JOOKARKA labada xilliba halkisii ayuu shaqada kasii wadi doonaa, waxase saaxada ku cusub Cumar iimaan oo aan cidna dhaxlin.

Colaaddii shalay lasoo maray iyo loollanka taagan maanta waxay muujinayaan Hawiye in uusan ku baraarugsaneyn shirqoollada shisheyuhu u maleegay dagaal joogto ah inuu weligi Banaadir ka socdo... Haddaba su’aashu waxay tahay shacabka gobolka Banaadir, siiba Abgaal & Habargidir ma garwaaqsan yihiin saami-wadaag hasha Maandeeq ee Somaaliweyn ka dhexaysa inay ku jaango’an tahay 4.5 "four point five" isla markaana inay 18 sano isku dilaan riyo-dhalanteed aan rejo lahayn.

Talo soo jeedinteydu waxay tahay, si loo caymiyo hanbada kuwa ka badbaaday xasuuqii Xabashida, maanta waxaa loo baahan yahay in si degdeg ah loogu dhaqaaqo tallaabooyin dhiig joojin ah oo ay ka mid yihiin:


1.Shacabka ku nool Koofurta oo haweenku hormood u yihiin inay diidaan dagaal dambe oo ay waddooyinka seexdaan iyagoo mujinaya shucuurtooda. Dumarka ayaa dagaallada daadihiya oo haddii ay diidaan dagaal ma socon karo." Wadaad ka mid ah kuwa qurba jooga taageerana   Muqaawimada ayaan weydiiyey sababta ay dagaalka lagu diidan yahay gumeysiga Xabashida ugu koobeen xaafadaha ay deggan yihiin (Habargidir & Murusade) ee loo gaarsiin waayey xaafadaha: Kaaraan, Cabdulcasiis, Shibis iyo Xamarweyne?... Wuxuu yiri, xaafadaha aan dagaalka ka wadno dumarka ayaa na garab taagan oo kii dhaawacma isbitaal geeya oo kii ooman biyo siiya oo kii baahan badar siiya, laakiin xaafadaha aad sheegtay haweenka ayaa naga soo horjeeda oo liddi nagu ah, sidaas awgeed wax hawlgal ah lagama fulin karo".

Dagaal-ooge kastoo durbaan colaadeed garaaca iyo wiil kastoo safka dirirta gala waxay ka soo ag-toosaan haween (hooyo ama xaas) haddii aysan raalli ka ahaynna dagaalka siima wadi karaan. BM-kii Xabashida waxaa beddelay Bastoolad Beljim ah, Baroon iyo Dhashiike, Zuu iyo Seben.

Raganimo irdhowadaye, Bilis-xaawoley waa inay ka dhiidhiyaan dabargoynta socota oo ay dalka ka badbaadiyaan dagaal dambe.... Halkudhegga haweenku waa inuu ahaado "weli waayey...wiil waayey...waraso waayey...waalid waayey...walaal waayey...waddan waayey... wax walba waayey ee xagee naloo wadaa.. Weynow Allow wanaag noo yabooh"

2- Kooxaha loollanku ka dhexeeyo ee siyaasadda isku haya, waxgarad ka madaxbanann oo isxilqaamay inay u istaagaan qaboojinta colaadda taagan. Halkudhegna waa inay ka dhigtaan "gardiid waa Alle diid iyo dood wax lagu heli karo yaan dagaal lagu doonin"

3- Culimada diinta iyo suugaanleydu waa inay ambaqaadaan baraarujin iyo wacyigelin aan kala joogsi lahayn oo maskaxda dadweynaha laga dhaqo colaadda ku qufulan. Halkudheggu waa inuu ahaado "Alle ka cabso oo ehelkaaga u nax"

4- Sheekh Shariif waa inuu fuliyaa hadaafkii loo dagaallamay oo ay ugu horreyso ku dhaqanka shareecada islaamka si ay meesha uga baxdo oraahda leh shareecada ayaa la diidan yahay oo muranka aan xadka lahayn qiilkiisa loo soo afjaro.


5. Sheekh Shariif iyo Raiisal Wasaarahiisa cusub mr. Cumar C/rashiid waa iney dhisaan xukuumad tayo leh oo hannan karta kalsoonida shacabka,waana iney si dheer uga fogaadaan shaqsiyaadka ku jira Baarlamaanka ee ku caanbaxay "muran iyo marqaan" sidoo kale shaqsiyaadka u ooman wasiirnimada ee ku caanbaxay "af iyo gacan." Sidoo kale shaqsiyaadka ku caanbaxay dagaal-oogista ee xiriirka qotada dheer la leh shisheeyaha.

6.Sheekh Shariif waa inuu warqad cad oo saxiixan u diraa Sheekh Aweys kana codsadaa inuu wuxuu rabo kusoo qorto.

7. Sheekh Aweys waa inuu noqdaa (king-maker ama spiritual leader la mid ah Ayatullah Khomeyni) isla markaana inuu faraha ka qaado maamulka Sheekh Shariif si niyadsami ahna ula shaqeeyo labada sano  ee kala guurka.... Sheekh Shariif iyo Sheekh Aweys waa inay tirtiraan hab-dhaqanka canaadka ku dhisan ee wadaadada lagu yaqaan oo ay beeniyaan maahmaahda leh "Caamo dirirtay culimaa kala saarta... Culima dirirtay cadaabtaa kala saarta... iyo ido bukooday ma dawobaan... wadaado dirirayna ma heshiiyaan"...Sheekh Shariif iyo Sheekh Aweys diinta lagu yaqaan haddii dadnimo iyo daacadnimo u weheliso waa in aysan shacabkooda u horseedin halaagii laga dhaxlay Cali iyo Caydiid oo salka ku hayey qabweyni sheegasho beelaha ay kasoo jeedaan.

8. Abgaal waa inuu xikmad iyo xeelad ku meelmariyo maamulka Sheekh Shariif isla markaana si dhab ah u fahmo Xamar inay tahay caasimad Somaaliweyn ka dhexeysa. Waa lagama maarmaan  Abgaal inuu ka tanasulo hadalhaynta GOOFKA isla markaana garwaaqsado inaan xoog lagu rari karin Habargidir oo ay deegaan ballaaran iyo duunyo tiro badan ku leedahay Banaadir. Haddaad guri dhisaneyso naqshadaha waad kala dooran kartaa laakiin deriskaaga ma kala dooran kartid. Xarardheere ilaa Xamar ayaa labada beelood oodwadaag yihiin oo Alle ayaa sidaas gartay, cid beddeli karta ma jirto ee waa in caqligu shaqeeyaa oo walaaltinimo lagu wada noolaadaa, lana joojiyaa hadallada kicin kara hiirtaanyada colaadihii hore.

9.Habargidir iyadoo fulineysa Xadiiska leh "walaalkaa markasta u hiilli oo hadduu qaldan yahay gacanta ka qabo", waa inay Sheekh Aweys ka dhaadhicisaa inuu dowrkan tanasulo oo haddii damac siyaasadeed ku jiro markale tartamo. Haddii Sheekh Shariif hirgeliyo shareecada Islaamka, xilka Habargidir dulsaaran oo adduun iyo aakhiroba la weydiin doono waxaa weeye inay si niyadsami ah ula shaqeeyaan maamulka Sheekh Shariif, si loo baajiyo dagaal cusub oo lagu ciribtiro hambada shacabka tabaaleysan ka hartay.