Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Raiisal Wasaarihi Hore Nuur Cade Oo Xilkii u Hayey Ku Wareejiyey Cumar C/Rashiid

Sunday - Feb 15, 2009

Jabuuti:-Waxaa caawa xilka wareejiyey Raisul wasaarihii hore ee DFKM Nuur Cadde isaga oo xilka ku wareejiyey Cumar Cabdi Rashiid Cali Sharmaarke ka dib xaflad weyn oo lagu qabtay Hotelka Kampiski ee Magaalada Jabuuti.

Xaflada ayaa waxaa ka soo qeyb galay Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele iyo Raisul wasaaraha dalkaas Dileyta Maxamed Dileyta iyo xubno golihiisa wasiirada ka mid ah. 

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele oo khudbad xasaasi ah ka jeediyey xafladaas ayaa sheegay inay weligeed jabuuti u taagnaan doonto Sidii soomaalida la isku keeni lahaa oo loo nabadeyn lahaa wuxuuna ugu baaqay somalida in ay fursadan qaaliga ah iska lumin.

Sido kale Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa lagu soo dhaweeyey makarafoonka waxa uuna u mahad celiyey madaxda Jabuuti iyo shacabkooda sida ay u garab taagan yihiin Soomaaliya.