Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Shiikh Dahir Aweys Oo Sidi Shabeel Ciil La Digrinaaya Ku Soo Wajahan Mogadisho iyo Cumar C/Rashid...

Monday - Feb 16, 2009

Mogadisho: Sida ay noo soo tabiyeen dad xog-ogaalo ah oo sheegay iney la qaxweyaan faqna ka dhaxeyo taageerayaasha muqaawamada ka dagaalanta Mogdisho ayaa sheegaya in Mogdisho illa shalay ay ka muuqatay walaac iyo gocosho laga qabo in markale magaalada Mogadisho dagaalo cusub oo wata xanfaf iyo xanuun ka curtaan oo nabadii iyo waan-waanti socotay la dacfaruuro,  

Warku waxuu intaa ku daraya in shacabka magaaladda Mogdisho durbaba illa shalay ay socotay shuushu dareen Saansaan colaadeed oo ay leeyihiin ciirka waa daruurinaya iyadoo isla markaa ay arkeen rag muqaawamada la shaqeeya oo suuqa bakaaraha ka daabulaya takuleyn raashinka qalalan oo loo qaato sahayda dagaalka, isla markaana bulshada suuqyada ka ganacsata ay hadal hayaan in goonyaha iyo bartamaha Mogdisho dagaal kadis ah ka bilaaban-doono.

Waxaa dhinaca kale ay xog-ogaaladaas ku hadaaqayaan in ay jiraan maleshiyaad fara badan oo waayaahn dambe Mogdisho lagu soo aruurinaayey oo xarumo iyo saldhigyo kala duwan loogu sameeyey diyaafadoh soo dhaweyn ah iyagoo sacabada loogu shubayey Biyo la sheegay iney yihiin Sam-sam-ka Maka oo qaaliban ay cabbaan dadka Ashahaadada ku shahiidaya, waxayna dhalinyaradaas laabta dagaalka ku haya ka kala yimaadeen sida la sheegay gobolada Bay iyo Jubooyinka iyo gobolada Dhexaba Intaba.