Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Kaalinta Timaha Ka Qaataan Shaqsiyada Qofka Iyo Aragtida Bulshada

Tuesday - Feb 17, 2009

Paris: Mr. Catherine Walter oo ah khabiir ku xeeldheer cilmiga bulshada, ayaa cilmi-baaris uu dhowaan sameeyey waxa uu ku soo bandhigay in astaamaha qofku leeyahay saamayn ku leedahay hadba qaabka uu u habeeyo timihiisa madaxa, iyadoo nin ama gabar midkood timihiisa u feerto bidix ammaba midig aannu gebi ahaanba saamayn toos ah ku yeelan sawirka bulshada uu la nool yahay ka qaataan, balse aanay meesha ka marnayn sida qofka laftiisu isu arko.

Aragtida ka dambaysa cilmi-baarista khabiirka ku takhasusay cilmiga bulshada, ayaa ku qotonta saamaynta isbeddel ee timaha aadanuhu ku yeelan karaan sawirka qayrkii ka bixiyaan iyo weliba muuqaalka qofka qudhiisu u arko habka timo-feerashada dhiiggiisa meel ku wada nool yihiin.

Sidoo kale Walter, ayaa rumaysan in feerid la'aanta timihu ay saamayn ku yeelan karto shaqadda qofka. Sidaa daraadeed, waa tan aragtida Walter iyo nidaamyada loo habeeyo timiha iyo sawiradda laga bixiyo.