Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 1 May 2024

Maxamed Dheere Oo Ka Warbixiyey Xariga Ay u Geysteen Generaalada Yohanes Iyo Tasfay

Tuesday - Feb 17, 2009

Doolow Itoobiya: Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (M/Dheere) oo muddo 10-cisho ku xirnaa xabsi ku yaal Deegaanka Doolow Ethiopia ayaa ka warbixiyay xariga loo geystay isaga iyo Mudane ka tirsan Baarlamaanka oo la yiraahdo Maxamuud Sayid Aadan iyo Col. Xasan Dhicisow oo ka mid ah Saraakiisha Booliska.

Maxamed Dheere ayaa sheegay in xarigiisa ay ku lug lahaayeen Xubno ka mid ah Dowladda Federaalka iyo qaar ka mid ah Saraakiishii horkaceysay Ciidamada Ethiopia ee ku sugneyd Soomaaliya.

Waxaa uu si gaar ah ugu Eedeeyay Maxamed Dheere xarigiisa Gen. Yohanes oo ahaa Taliyihii Ciidamada Ethiopia ee Soomaaliya iyo ku-xigeenkiisa Tasfay, isagoona aan carabaabin xubnaha kale ee ka tirsan Dowladda ee ku lugta lahaa xarigiisa.