Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Khilaafkii Ka Taagnaa Dhismihii Xubnaha Wasiirada Oo Kurbadiisi Hoos U Dhacday

Wednesday - Feb 18, 2009

Jabuutti: Wararka illa maanta ka soo yeeraya dhinaca jabuuti ayaa si kooban u sharxaya in murugadi iyo xasaasiyaadkii ka dhashay magacaabida xubnaha wasiirada ay iiminka khilaafkii ka taagna kurbadiisa ay hoos u dhacaday, meelna la isla dhigay xuduud lagu heshiiyey oo sidaas rajadi shawrka iyo wada-tashiga ay meel fiican mareyso.

Cumar Cabdi-Rashiid waxaa laga ogolaaday inu si taxadar leh oo madax banaan ku soo dhisto dawladiisa isagoo kala tashanaya madaxweynihiisa, isla markaana tixgalinaya duruufha ka jira dalka ee la doonayo in xal loo helo... indhahana laga qarsan damaca kooxaha xariga kala jiidanaya ee gaarka u cabanaya oo mid walba qaba inu kaligi gar leeyahay.

Meesha waxaa is-baacsanaya afar koox oo xaasid isku ah, isna-qoonsaneysa mid walibana ku sakhraansan yahay mansab jago, dockastana wax ka shukaaminaya oo haddi ay dantooda heli waayaan u diyaara iney wax jiiraan, shideeyaan, diriraan... Gurubadaasna waxaa ka mid ah... kooxdi barlamaanka mucaaradka oo isu haysta sheekada gadoodka halka ay gaartay iney sabab u ahaayeen waxaana madax u ah Shariif xasan.... kooxda labaad waa guruubkii wadaadada oo la socotay shiikh Shariif oo sheegta iney gaalo godinta la hortag-naayeen illa dalka laga xoreeyey.... kooxda sadexaad waa guruubkii wasiirada dawlada oo isu bahaystay Burburinti dawlada iyo  raacdeynti Cabdulaahi Yuusuf isuna haysta sida ay wax u tabeyeen in darajo lagu siiyo waxaana horboodaya Nuur Cade.... kooxda afraad waa guruubkii xildhibaanada duday Gaalkacyana degay oo ku doodaya iney ka gadoodeen xaqiiqada luntay oo gafka iyo xumaanta qaadan-waayey waxaana kooxdaas afayeen u ahaa Cabdi-rashiid Ciro.