Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Halow Hawraarsan Iyo Gudoon Wacan haddi Aad Dooneyseen Wasiiro Hurgumo Dhiig Iyo Hungo

Friday - Feb 20, 2009

Jabuutti; Halow- Halow Hirarka Dhaadheer, Mawjadaha Gaa-gaaban Marxab iyo Gudoon Wacan taariikhdu waa marag, Ugu dambeyn ina Cabdi-Rashiid Cali Sharmaarke waxuu la tashi ku xiiqaba oo ku jaribmay sahwi iyo wareer soo jeedkii badanaa...wax hadba beel guuxeysa "anagana waa na kan" u hoyataba...Wax badaw suud cad loo soo galiyeyay qolkiisa ugu soo galay oo ay  yirahdeen wasiir ama waxaan sameeyno waa la arki-doona taasna waxay keentay Neerfaha wiilka oo kaca iyo markuu shanqar maqlaba salal qaado... xaashaa-lilaahi sidaas oo ay tahay si indha-adkaana ayuu Dawlad u dhisay.

Durbana shacabku oo qaranimo u hilowsana waa soo wada dhaweyeen oo hawraarsan yirahdeen magacyada la yeershay... Laakiin run-ahaanti lama orankaro waa wasiiradii samata-bixinta qarankaan Aafoobay ayuu soo magacaabay oo qaarkood markad maqasho magacooda ayaa qalbigu sii qarxaya....waase gar ayaad oraneysa markaad ogaato xulkaan "Howtal-hamaga" halku ka yimid maxaa yeelay gogosha jabuuti wax laga xulanaayey dadkii ku si qulqulayey oo ah kuwii hubka hawzarada soo tuuri jiray iyo dollar qaate iibsade dalkiisa oo qaarado kale laga hago goobtana u yimid jago-doon u dheer tahay kuurgal basaasnimo..... waxaa gogoshi buuxiyey "hargoolayaal" iyo "dilaalin haraaryoonaya", Sido kale waxaa goobti buuxiyey kuwa caato la socon-waayey oo tuugmo u yimid jaga-doona ahaa,  Waa run kuwa badan ayaa loo magacaabay si sharkooda looga nabadgalo oo aan Dal,Diin iyo Duunyo dhawreyn fitnana u darban haddey waayaan damacooda , Sida darteed sida muuqata dhismahaan waxaa lagu habeeyey falsafad naf la caari ah oo tacadi iyo xujo ku ah Qoom xaquuqdooda lagu duudsiinayo, Ereygaas oo ah " danta guud tan gaarka ah ka daran iyo Maarmi-waa iyo waa danaha soomaali iyo doonis nabadeed"