Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Waa Dr. Shuceyb Abu Yuusuf Iyo Casharkiisi Jimcaha " Sababaha Keena Haweenka Uurka Leh U Dhiciyaan"

Thursday - Feb 19, 2009

Dhalaankii hadey weydiiyeen waxey galabsadeen????

Mahad oo dhan Allah mudan, Col iyo dagaal waxa muteystay kuwa dulmiga fala, naxariis iyo nabad waxa mudan kuwa Allah uunkiisa u naxariista. Intaa ka dib waxa mahad ah in Soomaalida intooda badan gudaha dalka iyo dibadjoogta ay garteen in Nabada ay tahay waxa ugu qiimaha badan ee Allah ku maneystay adoomadiisa guud ahaan, waxaase la yaab ah in koox yar oo dan gaar ah wadata loo maaro la'yahay oo ay diideen saxwada nabadeed ee maanta soomaali oo dhan ay u arkeen iney tahay dariiqa qura oo uu furan si loo helo nabad wada gaarta dalka oo dhan, dabadeedna keenta horumar, xasilooni, dulqaad dhalisa wada noolaasho iyo deris wanaag.

Waxa Amaan mudan guud ahaan, dadka soomaaliyeed ee ku nool aduunka darafyadiisa iyagoo u kala harin sida wanaagsan ee taageerada ugu muujiyeen Dowladda Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya, kuwa ka haray waxaan ugu baaqayaa iney ka qeyb-qaataan dhismaha " Soomaaliya Cusub ", dalku wuu noo dhexeeyaa waana nagu filanyahay hadii la helo Nabad.

Intaa ka dib Casharkeena maanta waxaan kaga jawaabayaa mas'alo ay la kulmaan dumar badan oo ilmaha ay qaadaan Dhiciya (Premature).

Qiyaas ahaan boqolkii shan iyo toban (15%), dumarka uurka leh way dhiciyaan ilmaha ay sidaan si lama filaan ah iyaga oo aan ku tala gelin. Sidoo kale, waxa lagu qiyaasaa in boqolkii shan iyo toban (15%) kale ay iyagana iskood isaga soo ridaan ilmaha ay qaadaan. 

Caado wanaagsan ee bulshada kala duwan ee dunida ku nool ay leedahay waxa ka mid ah, in ceeb weyn ay tahay oo loo arko wax xun, marka qof dumar ah ay qaado uur iyada oo aan la guursan.  Isla markaa, waxa dhab ah oo aan shaki ku jirin in wadamada isku tilmaama iney horay ugu mareen ilbaxnimada iyo farsamada aysan wax ceeb ama fool xumo la’ aheyn haba yaraatee, in haweenku qaadaan ilmo aan sharci ku iman. Umadii Islam sheegata waa ka xaaraan in laba qof oo ajnabi kala ah wada kulmaan, bal iskadaa iney dhalaan ilmo xaaraan ah.

Tirakoobyadii ugu dambeeyay waxey tilmaameen in tira aad u badan oo raga iyo dumarka wada nool ee caruurta iska dhala aan guur ka dhaxeyn oo ay xaaraan isula nool yihiin si aan waafaqsaneyn xataa sharciga baadida ah ee ay degsadeen.

Dumarka uurka leh sida badan waxey ilmaha uurka ku sidaan mudo u dhexeysa sideed iyo sodon (38) ilaa laba iyo afartan (42) usbuuc, hase ahaatee asbaabo fara badan oo kala duwan dartood waxa dhacda iney soo ridaan ilmaha ay sidaan. Haweenta mudada ay uurka leedahay hadii uu ka yaryahay sideed iyo labaatan (28) usbuuc, markaana soo rido ilmihii ay sida, waxa la yiraah way dhicisay. Dhicinta waxey noqon kartaa mid lagu talagal loo sameeyay, sida marka haweneyda aysan dooneyn ilmaha ay sido. Taa oo inta badan sabab ay u tahay ilmaha oo aan ku uur gelin sida waafaqsan sharciga (Guur).

Duruufo caafimaad ku saleysan oo kala duwan darteed, waxa kaloo dhacda in takhaatiirta ay kula taliyaan haweney uur leh in laga soo rido ilmaha ay sido, sida iyada oo aad u xanuunsata, ama ilmaha oo aan dheeli tirneyn. Waxa kaloo dhici karta in ilmaha uurka ku jira ay soo dhacaan iyada oo aan la dareemin, kadib  markii dhiig ka badan midka caadada, ama ka duwan ay haweenta isku aragto oo uu farjigeeda ka yimaado, taa oo afka qalaad lagu yiraah (Missed Abortion).