Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Xafiiskii Ethiopian Airlines ku Lahayd Hargeysa Oo Albaabada Loo Laabay

Tuesday - March 3, 2009

Hargeysa - Shirkadda diyaaradaha Ethiopian Airlines ee laga leeyahay dalka Itoobiya, ayaa gebi ahaanba xammaanta ka gurtay oo albaabada u xidhay Jimcihii toddobaadkan xafiiskeedii duullimaadyada ee ay ku lahayd caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

GoÂ’aanka Ethiopian Airlines shadaafta kaga laalaabatay xafiiskii duullimaadyada diyaaradaheeda ee Hargeysa oo furnaa sideedii sannadood ee la soo dhaafay, ayaa la sheegay inuu ka dambeeyey kadib markii xukuumadda Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ku fashilantay sidii shirkadda ugu qancin lahayd in dib u bilowdo duullimaadyadii ay ka wadday Somaliland oo xayirnaa tan iyo intii ka dambaysay weerarradii argagixiso ee 29 October 2008 ka dhacay dalka, isla markaana muddo afar bilood ah ay dawladu fulin weyday shuruudo shirkadu ku xidhay dib u bilaabida hawlaheeda shaqo ee Somaliland.

Shuruudahaas oo ay ka mid ahaayeen in xayndaab adag lagu wareejiyo madaarka Hargeysa, in tarajay ama dhufaysyo laga qodo agagaarka madaarka, iyo in gegida diyaaradaha laga hirgaliyo adeedyo lagu xoojinayo ammaankiisa, sida in la sameeyo qalabkii dadka rakaabka lagu baadhi lahaa iyo meelaha dadku hoos maraan ee lagu ogaankaro in qofku sito waxyaabo khatar galin kara diyaradaha iyo rakaabka ay sidaanba, shuruudahaasi oo aan ilaa hadda xukuumaddu waxba ka hirgalin.

Ma jiraan warar rasmi ah ka soo baxay xukuumadda Somaliland iyo masuuliyiinta Ethiopian Airlines oo muujinaya sababta rasmiga ah ee keentay tallaabada albaabada loogu xidhay xafiiskii duullimaadyada ee Hargeysa, basle sida warar xogogaal ah oo ku dhowdhow shirkaddu u xaqiijiyeen Jamhuuriya, waxa arrintani ka dambaysay kadib markii shirkaddu wayday dammaanad-qaad la xidhiidha amniga diyaaradaheeda, iyagoo ka cabsi weerarro argagixiso oo lagu bartilmaameedsado diyaaradahooda waqtiga ay ku gudo-jiraan duullimayada Somaliland.