Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Qoraaga Mr. MM Kastan Oo Ka Warbixiyey Madaxweyne Al-Bashiir Iyo Maxkamada Aduunka Waxa Kala Haysta

Wednesday - March 4, 2009

Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-bashiir oo askarinimadii uga sii gudbay siyaasi, lama saadaalin karo mustaqbalkiisa siyaasadeed waxa uu noqon doono haddii maxkamadda adduunku codsato in la soo xidho.

Madaxweynaha Sudan Cumar Al- bashiir talada gacanta waxa uu ku dhigay isaga oo taageero ka helay koox islaamiyiin inuu inqilaab ku qabsado dalka sannadkii 1989-kii, kaasoo laga yaabo inuu noqdo Madaxweynaha ugu horreeyey ee dalkaas xukuma ee maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada dagaalladu dacwad ku soo oogto.

Al-bashiir oo xukuma dalka Afrika ugu weyn ee Sudaan, laba dagaal sokeeye ayuu la kulmay, kii ugu horreeyeyna wuxuu la galay koonfurta Sudan oo heshiis nabadeed uu la galay 2005, ka labaadna ka dhacay galbeedka Darfur 2003, kaasoo weli socda, iyadoo Qaramada Midoobay sheegeen in dagaalkaas 300 kun oo qof ku dhinteen, halka dawladda Sudan-na ku sheegtay tirada dhimashada toban kun oo ruux.

Cumar Xasan Al-bashiir waxa uu ku dhashay tuulo 150km woqooyi ka xigta caasimadda Khartuum sannadkii 1944-kii, kaas oo dhallinyaranimadiisii jeclaa ciidanka, markuu ku biirayna xilal kala duwan ayuu ka gaadhay sida oo kale waxa uu ka qaybgalay dagaalkii Masar iyo Israel dhexmaray 1973-kii.

Sannadkii 1983-kii Al-bashiir waxa uu hoggaamiyey guutadii siddeedaad ee ku sugneyd koonfurta Sudan ee dagaalkii sokeeye ku dhexmaray Sudan iyo jabhaddii SPLA ee u dagaallameysay goonni-isu-taagga koonfurta Sudan.

30-kii June 1989-kii Albashiir isaga oo jeneral ah iyo saaraakiil kale oo gacan ka helay jabhadda islaamiga ee uu hoggaamiyey Xasan Al-turabi waxay afgembiyeen xukuumadddii shacbigu doortay ee Saaqid Al-mahdi.

Al-bashiir isla markiiba xukun degdeg ah ayuu ku soo rogay inta badan dalka Sudan, waxa kale oo uu laalay dastuurka iyo xoriyadaha guud, kaasoo diiday axsaabta isaga oo adeegsanaya Xasan Al-turaabi.

Dalka Sudan oo dadka ku dhaqan lagu qiyaaso 40 milyan oo qof, arka laga reebo woqooyiga, koonfurta iyo meelo kale diimo kaloo aan islaam ahayn ayaa ka jira, Al-bashiir iyo Turaabi oo wada socda shareecadda islaamka ayey Sudan ku soo rogeen oo keentay in koonfurta diido 1983-kii, arrintaasina sababtay isku dhac.

Al-bashiir iyo Turaabi oo aasaasay malleeshiyo ay uga magac-dareen Malleeshiyada Shiciba waxay isku dhaceen jabhaddii reer koonfureedka ee uu hoggaaminayey John Garang, taas oo xilligii Jacfar Maxmed Numeri 1983, markuu shareecada ku xukumay dagaallamaysay, dagaalkii Al-bashiir dhemxarayna wuxuu dhammaaday, kadib markii ay heshiiyeen iyaga iyo jabhaddii SPLA 2005, waxana la qiyaasay tan iyo 1983-kii inay ku dhinteen ilaa iyo hal malyan oo qof.

Intaa kadib xukuumadda Al-bashiir waxay heshiis la gashay nabadeed ah jabhadda SPLA ee ka dagaalamaysay koonfurta Sudan, heshiiskaas oo dhigayey xukunka in la qaybsado iyo afti in laga qaado koonfurta Sudan 2011, haddii Sudan intiisa kale ka go’i lahaayeen iyo in kale.

Sagaashamaadkii Sudan waxa hoy u noqday ururka Al-qaacida iyo hoggaamiyeyaasha oo markii dambe culays kaga yimi Maraykanka, ku qasbay Afghanistan inay ku laabtaan, sida oo kale waxa ku nool ninkii la odhan jiray Carlos Yeyga ku magac dheeraa oo afduubyo iyo dilal caalami ah la yimi oo isna Faransiisku doonayey in loo gacan geliyo.

Sannadkii 1999-kii waxa isku dhacay Al-bashiir iyo Turabi oo ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka oo soo jeediyey in la xadido awooddaha u haysto Madaxweyne Al-bashiir, qodobka sharci ee uu Baarlamaanka u soo jeediyey Al-turaabi wuxuu kaga jawaabay Madaxweyne Al-bashiir ciidan uu Baarlamaanka u diray inuu go’domiyo oo kala diro, kadib Al-bashiir waxa uu bilaabay inuu iska fogeeyo islaamiyiinta, xidhiidhkii dalalka deriska la ahaa iyo mujtamaca dawligana wax ka hagaajiyo.

Sida oo kale, Sudan muddo lix sannadood iska horimaad hubeysan waxa uu ka jiraa galbeedka Darfur, iyada oo maxkamadda dambiyada dagaalka ee adduunku ku eedeegsay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Al-bashiir in ay galeen dembiyo dagaal.

Al-bashiir oo marka hore diiday inuu u gacan geliyo masuuliyiintiisa maxkamadda dambiyada dagaalku ka codsatay, arrintaas oo aakhirkii keentay in isaga laftiisa loo jeediyo eedaymo caalami ah.