Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Fadiilat Al-Digtoor Shiikh Shuceyb Iyo Casharkiisi Jimcaha Maanta " Mas'uuliyada Gudninka Gabdhaha"

Thursday - March 5, 2009

Waxaan ku bilaabayaa magaca Allah, iyo saliga subanaha N.N. korkisa ha ahaato, mahad oo dhana Allah bey u ahaatay, oo qofka karaameeyay, muslimiina naga yeelay heysta oo ku dhaqma amarkiisa kana fogaada wixuu nooga digay inti karaankeena ah.

Asalaamu Aleykum,

Baraarujinta Jimcahan waxaan door biday inaan kaga hadlo arin aad u taabata dumarka inta ay yeryihiin oo xuquuqda ay leeyihiin aysan laheyn awood ay ku soo dhacsadaan,  maadaama ay weli ku jiraan gacanta labada waalid ee dhalay oo laga doonayo iney u ilaaliyaan si wanaagsan mas'uuliyada ka saaran dhalaankooda, midaa oo ah gudniinka gabdhaha - (Female Circumcision).

Gabdhaha oo la gudaa, waa arin aad ugu badan dalalka ay ka mid yihiin Somalia, Sudan, Nigeria iyo kuwo kaloo ka mid ah Qaarada Afrika. Inta badan, sababta dhalisa in la gudo Gabdhaha waa dhaqan mudo badan soo jiray, haweenkuna ay u gudbiyeen gabdhahooda oo sidaa mudo dheer soo dhaqan galay, ugu dambeyntii loo maleeyay in gudniinka gabdhaha uu ku saleysan yahay arin ka mid ah diinta islaamka oo nala faray

Waxa xaqiiqo ah, markii Allah qofka abuuray, inuu farsamadiisa ku hagaajiyay cad walba ee jirka ka mid ah, Isaga oo ugu tala galay qeyb walba iney fuliso ama gudato howl muhiim ah, sidaa darteed cadka laga jaro jirka gabadha, kolka sida foosha xun loogu xad gudbo, oo qeyb ka mid ah laga gooyo, iney tahay gef loo geysto abuurista Allah, taa oo la mid ah iyada oo la leeyahay “Allow Cad siyaado ah baad ku kordhisay, inaguna uma baahnin dabadeedna waan ka jarnay.”

Tusaale hadii aan usoo qaato, dhacdo midan la mid ah oo ay fali jireen takhaatiirta caafimaad dartii, waxey aheyd Hurgunka caruurta da’doodu yartahay ku dhaca ee loo yaqaan Qunka ama (Tonsillitis), waxa caado aheyd in la iska goyn jiray qumanka iyada oo aan aqoon balaaran loo laheyn waxtarka qumanku u leeyihiin caafimaadka guud ee jirka, kadib markii la baaray oo la ogaaday in qumanku ay si weyn uga qeyb qaataan caafimaadka jirka bani’aadamka iyo awooda uu isaga dhacsho weerarada ay kusoo qaadaan noolayaasha kala duwan ee waxyeeleeya qofka, takhaatiirtu waxey isku raaceen in sabab caafimaad oo cad mooyee, inaan la iska jarin qumanka. 

Arintan kama duwana wax badan mida Gudniinka gabdhaha, maxaa yeelay waxa hadda cadaatay in gabdhaha oo la gudo ay keento dhibaato fara badan oo aan lasoo koobi karin oo ay ka mid yihiin kuwa hoos ku xusan:

Caadada oo xanuun badan ku qabata, marka dhiiga caadada si fudud usoo dhaafi waayo marinka Eebe ugu tala galay. Kaadi Galeenka oo hurgun galo (Cystitis), kadib marka uu shirmo mareenka Kaadida, waxana lagu gartaa kolka gabadhu si isdaba joog ah u gasho suuliga iyo Kaadida oo xanuujisa. Mareenka Ilmaha (Vagina), iyo Ilmo galeenka (Uterus), oo inta badan hurgun galo, kadib marka dhiigu ku hakado oo si fudud usoo mari waayo. Qofka dumarka ah oo Madhasho noqota (Infertile), kadib marka dhibaatada iyo waxyeelada hurgunka (Chronic Infection), ku fido Mareenada Ukunta soo maraan (Tubes), dabadeedna nabaro u yeela, kuwa oo keena in ay xiraan mareenada Ukunta, markaana dhaliya in Ukunta (Ova), ay soo mari weydo. Ilmaha oo ku beerma meel dibada ka ah halkii Allah ugu talo galay  goob ka baxsan oo aan aheyn Minka (Uterus), sida mareenka ukunta (Fallopian Tubes), midaa oo keeni karta in nolosha qofka dumarka ah ay halis gasho marka si xun ay u dhiig baxdo.

Foosha oo ku dheeraata haweenta uurka leh, kadib marka jidkii ilmuhu soo mari lahaa ciriiri ku noqoto, midaa oo marmarka qaarkood keenta in ilmaha laga soo saaro caloosha hooyadii, kadib marka ilmaha naqasku ku dhego ama halis ay gasho naftooda. Hadii foosha dheeraato ilmuhuna ku raago Kafka hooyadii, waxey keeni kartaa in madaxa ilmuhu uu cadaadis ku qabto Kaadi Galeenka (Bladder), iyo mareenka loo yaqaan Unuga Galeenka dumarka (Vagina) oo ah (Siilka ama Sabiisha), Saxaro Mareenka ama Malawadka (Rectum), midaa waxey keeni iney isu furmaan kadibna saxarada ama kaadida ay soo maraan meel aan aheyn dariiqii Allah ugu talo galay.

Xilliga foosha lagu jiro waxa marmarka qaarkood dhacda in dilaac galo (Tear), Minka afkiisa (Cervix Uteri), midaa oo keeni karta iney haweentu uurka dambe xajin kari weydo, sidoo kale waxa dilaac geli kara Muruqa jilicsan oo u dhexeeya Siilka iyo Futada duleelkeeda ee ay saxaradu soo marto, kadibna loo baahdo in la tolo. Muruqa Saxarada celiya oo dabca waxuu keeni karaa in haweentu ay ceshan kari weyso Saxarada iyo naqaska (Dhuusada). Gudniinka gabadha wuxuu dhaawac weyn u geysan karaa xiriirka isu galka ninka iyo naagtiisa ka dhexeeya, midaa oo ay ka iman karto marka la gooyo unugyada dareenka ee ku yaal cadka laga jaray inanta ee loo yaqaan Kintirka (Clitoris), gabadhuna uu dhinmo dareenkeeda kaamilka ahaa oo Allah ugu talo galay iney ku raaxeysato uguna raaxeysto ninkeeda.