Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

AL-Qaacida Oo Guubaabo Dhambaal U Gudbisay Wadadka Geedaha Ku kar-karsanya Kaymaha Waamo -XasanTurki

Sunday - March 8, 2009

Urur weynaha Alqaacidda oo dagaal culus kula jira Wadamada Reer Galbeedka ayaa soo saaray Fariin ay ku Amaanayaan Wadaadka Keyma jooga ah Shiikh Xasan "C/laahi Xirsi Xasan Turki"

Cajalada Maqal iyo Muuqaal ah oo uu soo saaray Ururuka Alqaacidda islamarkaana looga hadlayay arrimaha Somalia waxay siweyn ugu Amaaneen Shiikh Xasan C/laahi (Turki) oo kamid ah Shaqsiyaadka Somalida ee Maraykanka ugu jiro Liiska waxa Argagaxisada loogu yeero.

Sarkaal katirsan Ururka Alqaacida oo ka dhax muuqday Cajalada wuxuu ku Tilmaamay Shiikh Xasan Turki Wadaad Aaba u ah Mujaahidiinta Geeska Africa laguna yaqaan la dagaalanka Gaalada sida hadalka loo dhigay.

” Shiikh Xasan waa Hoggaamiye ay dhegahooda u raariciyaan dhamaan Mujaahidiinta Somalida iyo kuwa Geeska Africa, Allaha Barakeeyo Camalkiisa Jihaadiga” ayuu Cajalada ku sheegay Sarkaal Al-qaacidda ka tirsan"