Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Ing.M. Mursal Oo Seeftiisu Diiday Iney Galkeeda Gasho Oo Soo Bandhigay Maabkii Gobolka Xiriir-Laand

Monday - March 9, 2009

Landon :Noloshu waa wax qabad... wax qabadkana taariikhda ayaa qorta...injineerka muhandiska ah oo seeftiisa ay diiday iney galkeeda gasho illa u ka sugayo maamulka degaamada la gabay iyo bulshada gedaanka ka lulata ee maalinkasta la sirayo waraabuhuna ruqayo... Maxamed Mursal Xaashi suunkiisa giigsaday oo fikirkiisa waafajinaya fal ayaa waayahaan dambe ay la soo gudboonaatay hindiseynta iyo diyargareynta khariidada ama maabka loogu gogol xaarayo dhismaha Gobolka Xiriir-laand oo mustaqbalka u xuubsiiban-doona Xirir State Land ayaa markii ugu horeysey u shacbkiisa u soo bandhigay Maab diirada saaraya degmooyinka u ka koobanyahay gobolkaas gaar ahaan si cad u sii qeexaya degmo kasta tuulooyinka hoos yimada.

Balwad xun waa laga taga Injeneer Maxamed Mursal Xaashi balwadiisa iyo sheekadiisa waxay gasha cadaalada iyo geela si mudan ha loo shubo iyo in dadka waxuun horumar ah la gaarsiiyo  ...Maxamed Mursal maskax iyo garaad iyo wixii muruq itaalkiisa ahaa waxuu ku xiiqay inu arko maamul talinaya oo mushkiladaha jira wax ka qabta oo maskaxda qoysnimo meesha ka baxdo... haddi degaanku maamulkiisa iyo waxgaradkiisa shqeynayaan mawqifna leeyihiin milicda in badan lama joogeen masaakiinteenana uurka kama Ooyeen

Odayaashi degaanka,bulshadi iyo kuwa maamulka is-ma qabato ayey noqdeen oo qalooca jira ayey wadaagaan sababna u yihiin... ma dhcikartaa iyagoo afkoodi qalalay Oona la soconwaayey in indhahoodo shan ah Riigi Biyaha degmada qodi lahaa burcad ay araxda ku sii qaadato... Isbitaalkii ololaha lagu dhisay oo qoys dibada jooga aysan ka harin, soo Abtirsiimo hoose iyo Ab sheegasho dhiiladeed laguma xirin.

Dhinaca kale Bulshada ka soo jeeda degaanka aan ka hadleyno ee qurbaha ku nool lama oran karo kaalintoodi ma gabin, waayo dib uma ay dhugan dhibaatadi ay soo mareen, balse kuli yaan dhihine rag badan ayaa dhiiladi halkii u ka yimid halkeedi weli ka sii ololinaaya.... Calooshi intu dhaanshay oo dhiico yeeshay sidii faras... farihii dhagaxa noqdayna soo galeen dhacaan, oo manjihii hoolmay qaloocsamay illa jilbaha dhaash kareem kala daalay oo xitaa wajigii nuurka ka tagay soo dhalaal celiyey, ayey weli dhufeys ku jiraan oo wax ay kaa kala daadiyaan mooye wax ay kaa yeelayaan ma jirto. waase jeclyihiin dhagahooda iney maqlaan dhiila qoys u timaada, lama mooga qaybta ay ka qaateen xirnaanshaha isbitaalka... hana la ogaado in dhawan la magacaabi-doono guddi qaada maxkamad lagu fulindoono shakhsiyaadkii ka dambeeyey albaabada in loo laabo isbitaalkaas.

Sida Muuqata wax-garadkii iyo Odayaashi degaanka waa roori la'yihiin oo caqli-laawe ayey fursad siiyeen iney faaloodaan carigana ku durduriyaan, Sido kale ragi aqoonta jirtay dibada ku lahaa iyo aragtida waayo-aragnimada fiican UF ayaa iyagana la yiri oo waxaa ka xoogbatay kuwa ku dhaadhaaban heerka hoose ee qoysnimada.

Hadaba saas haday tahay ilmaha kacay oo niyada wanagsan leh aan u deeyno waxqabadka oo iyagu ha na horkaceen oo aan ogolaano iney wax kasta oo bulshadaan ku orgooda ay naga qabtaan kuna durduriyaan... ha loo dhiibo maamulka degmada iyo nabadgalyada, hana lagu wareejiyo shaqo socodsiinta isbitaalka edebdara u xiran.

Cala ay xaal layskama darooriyo haddey kaa soo yeerin hadal cuntama oo maqsuud laga noqon... Maxamed Mursal oo dalaciyey dareenkiisa arkeyna xaajo aan la deyn karin waxuu halkaan idin ku soo bandhigayaa Hindihiisa Maabka gobolka cusub waana sida hoosta ku shaxan: