Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Wasirkii A. Gudaha Shiikh C/qaadir Cali Cumar Oo Hididilo Galiyey Nabadi Mogdisho

Tuesday - March 10, 2009

Mogadisho: Caasimada Soomaaliya Magaalada Muqdiisho ayaa waxa ay noqotay Caasimadaha Caalamka mida ugu nasiibka xun, kadib markii muddo ka badan 20-sano ay magan u aheyd fowdo iyo kala dambeyn la’aan, balse halka ay dhibaatadaas ka timid hada wax micno ah ma sameyneyso inaan dib ugu laabano.

Muqdisho oo dhowrkii bilood ee ugu dambeysay dadka ku nool ay neefi ka soo booday, kadib markii ay sanka la raaceen neecawda nabada oo in muddo ahba ka maqneyd Magaalada, ayaa qof kasta waxa uu is weydinayaa sida nabad lagu gaari karo, isla markaana nabada hada jirta loo joogteyn karo.

Is badal dhinaca ammaanka ayaa xilligan laga dareemayaa Degmooyinka Gobolka Banaadir oo ku caan baxay fowdada iyo rabshadaha, haba ugu badnaatee dilka iyo dhaca, waxaanse xilligan is badalka soo de-dejiyay, markii Ciidamo ka tirsan Maxkamadaha ay saldhigyo ka sameysteen xaafado ka tirsan Caasimada.

Maxakmadaha Islaamiga ee hormuudka u ah Nabada Muqdisho,dadkuna ay hada isha ku hayaan maamulka ay Magaalada u sameyn doonaan, xilli uu shaqeynayo Maamulkii Gobolka Banaadir ee Dowladdii TFG-du horay u magacowday.

Marka aad eegto bur burka lixaadka leh ee ka muuqda daarihii quruxda badnaa, taalooyinkii caanka ahaa, iyo dhismayaashii Dowladda, ayaan sahalneyn in dib loo dhiso, isla markaana lagu sameeyo dayac tir guud, si Muqdisho ay ugu soo noqoto bilicdeedii.

Ka sokow is badalka dhinaca ammaanka ee haatan ka muuqda Magaalada ayaa waxaa bar bar socda howlo nadaafadeed iyo dayactir gaabis ah oo laga dareemayo magaalada inteeda kale, kadib markii ay dib u soo laabteen dadkii ka barakacay Magaalada Muqdisho ee daadsanaa duleedyada Magaalada.

Xaafadaha qaar ee Magaalada Muqdisho oo mar marka qaarkood cabsi lagu mari jiray, ayaa iminka noqotay meel ay si caadi ah u maraan gaadiidka iyo dadweynahaba, ka gadaal markii ay maxkamaduhu la wareegeen gacan ku heynta fariisimihii Ciidamadii Dowladdii TFG-da ee inta badan sabab u ahaa ammaan darada, iyagoo aragti un kala dhaxeysa Taleefana gacan qaadka ah.

Xaafado ka tirsan Degmooyinka Xamar-Weyne, Shangaani, Shibis, Kaaraan iyo kuwa kale ayaa ah kuwa sanka la raacaya neecaawda nabadeed, kadib markii ay ka baxeen fowdadii iyo dhibaatooyinkii ay ku jireen, taas oo ay ugu wacnaayeen Ciidamada Dowladda oo har iyo habeen dadka dhibaato ku haayay.