Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Kacdoon Dhalinyaro Is-Badaldoon Ah Oo Ka Kacay XL Galdogob Iyo Ergo Soo Gaartay W/Ameerika- Yurub

Friday - March 13, 2009

Xiriir Laand- Galdogob: Dhoosha cadeeya...Sheekada dhuuxa...Abaar lama dugsado iyo meel hadey dhallinyaro joogin... Taariikhda yaa dhiga... heegaa dhibic keentay... Kacaan is badal rabaa hilaacay... Ruuxay ku dhalato kacaanimo hurdada waa ka taga... Naftu orod bey kugu Aamintaa  ...Dhulka qodax ayaa taal...weli daalin iyo dir-dre ayaa jira... dadqal wanaag ma leh...Dhagax looma heeso... Tawradatan barakeysan, Tawradatan barakeysan... irida ka soo bood soo jabi albaabada... Ugaas hareynaaya iyo salaadiin horkaceysa dhalinyarada kacdoonka Dararam-Dararam- Dadaam-Dadam... Tawradatan barakeysan, Tawradatan barakeysan, Talaabadi aad qaadeen daweynaha xiriir-laand tiisa daryeeshee.

Galdogob: Halow- Halow Abow Ma ii mqaleysa... Magaalada baraarug ayaa ka jira, Dadku sidi qurbac ayey u muqleynayaan... Shushuuda isbadal-doonka goob kasta ayaa looga hadlaya... kulamo dhallinyaro oo 15 jir illa kuwa gaaray 30 ayaa meelaha qarkood gooni-goni lagu arkaya...Yaa dhiiga kiciyey ayaa la leeyahay  ...dhalinyara gaalkacyo ka timid lamase garanayo hadafkooda, laakiin waxaa laga shakisanyahay iney kacdoonka ku lug leeyihiin oo la tashi u socdaan...Taladu waxay ku toosta la tashiga... Halow- Halow Yes ma ii maqleysa...Cuduud dhallinyaro oo midawda oo aan la garaneyn natiijadeeda dadka qaarkiis waa ka cabsi qaban waayo-arag la'aantooda iney ku barbar-riiqdaan talaabsiga loo baahanyahay waqtiga colaadeed ayey yirahdeen /./ 

Dhinac kale Cod aan tiro yareyn oo is haysta daafaha xaafadaha galdogob ayaa afkooda furtay oo qaba in dhallinyarada fursadooda la siiyo oo xaaladu is badasho ayaa loo baahanyahay.... Nadaafada iyo bilcsimida magaalada fiday wax ka qabtaan, riigi la xaday ha soo celiyaan hana maxkamadeeyaan ragii falkaas geystay... Ha furaan isbitaalka aboorku dilooday oo xirninkiisa ay ka qayb qaateen Abeesooyinka ilmaha wata oo habennkii ayda gala... waa in si deg deg ah dhalinyaradaan loogu wareejiya maamulka degaanka oo dhan.... odayaasha iyo maamulada jira awrtooda ha rartaan... ma dooneyo Eedeysne aan waxtar lahayn oo la leeyahay reer buu halyey u yahay .

Halow Halow si wanagsan ma ii maqleysa...Dhallinyarada Joogta waqooyi ameerika oo soo dhaweysey kacaankas hilaacay waxay yiraahdeen runta lama inkiro beense waa la asraaraa....xaajado waa mashaqo...Uurxumo iyo dhaliil waa jirta... lamana hayo wax loo sii macaansado oo bulshadu hadaaq ka dhigato... Dad iskala qubay oo kala jira qayrkood ma la baratami-karaan....haddi muran lagu jiro oo qoys la dhaafi-waayo aayahana cid kale ka arimiso walee qoomamo ayaa xigin... ujeedada waa garan ruuxi dhiig leh, gartuna waxay u go'day gesiyaashaas dhidhiiyey.