Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Warar dheeraad Ah Oo Ka Soo Baxay Qaraxii Miinada Lala Beegsaday Madaxi ILaaladi Cali Geedi

Wednesday - March 11, 2009

Mogadisho: Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax miino oo maanta lagu dilay Madaxii Ilaaladii gaarka aheyd ee Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi, kaasoo lagu magacaabi jiray Cubeyd Maxamed Maxamuud Beerey, oo ku dhintay qarax miino lala helay gaari uu watay.

Qaraxa Miino oo ahaa mid aad u xooganaa ayaa bur buriyay gaariga Sarkaalkaas ammaanka ugu qaabilsanaan jiray Ra'iisul Wasaarayaashii hore ee Soomaaliya, isagoo ahaa Sarkaal qaba tababar ciidan, waxaana la dhintay labo ka tirsan Ilaaladiisa iyo wiil ay walaalo ahaayeen.

Ehelada Marxuumka dhintay ayaa sheegay in aanay garaneyn sababta loo dilay Cubeyd iyagoo sheegay in mudooyinkan aanu ka tirsan Dowladda, hase ahaatee horay ula soo shaqeeyay sida ay yiraahdeen, waxaana ay dilkiisa ku sifeeyeen kuwa ka dhaca Magaalada Muqdisho.

Cubeyd Maxamed Beerey waxaa uu tababar ku soo qaatay Dalka Jabuuti iyo Libiya, isagoo la soo shaqeeyay Ra'iisul wasaarayaashii hore sida Ra'iisul Wasaarihii Dowladdii Carta Cali Khaliif Galeyr, Ra'iisul Wasaarihii Xukuumadihii TFG-da Cali Geeddi iyo Nuur Cadde, inkastoo sarkaalkaas la dilay ay beel wadaag ahaayeen Prof. Cali Maxamed Geeddi.

Goor dhow oo maanta ayaa bogga Internet-ka ee Alshabaab waxaa lagu sheegtay Mas'uuliyada weerarkaas qarax ee lagu dilay sarkaalkaas, waxaana howl galkaas ay sheegteen Alshabaab lagu sheegay inay ku beegsadeen Sarkaal la shaqeyn jiray Ra'iisul wasaarayaashii hore Cali maxamed Geeddi iyo Nuur Cadde.