Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Fadilat Al-Digtor Sh.Shuceyb Iyo Baraarujintiisi Jimcaha " Ninka Iyo Naagta Fiican Sida Lagu Garto"

Thursday - March 12, 2009

Waxaan ku bilaabayaa Magaca Allah iyo saliga Suubanaha Nabad iyo Naxariis korkiisa ha ahaato....
 
Waxaan ka akhriyay bogga www.galdogobtimes.com maqaal ay soo qortay gabar soomaali ah oo magaceeda ku sheegtay Ismahaan, iyada oo ku tilmaantay sifa lagu garto ninka Wanaagsan, waan ku raacsanahay qodobo dhowr ah, hase yeeshee waxa iiga muuqata maqaalkaa walaashey iney inta badan ka eegtay ragga dhinaca dhaqanka aduunyo oo qura, laakiin aysan tilmaamin sida laga doonayo ninka inuu ugu diyaariyo qoyskiisa nolosha joogtada ah ee akhiro, qofkii ku guuleystabaan aduunkana ku guuleysta.
 
Allah marka uu abuuray raga iyo dumarka waxuu waajib kaga dhigay xil kala duwan, ninka iyo naagta labaduba siduu tilmaamay suubanaha Nebi Mohamed N.N. korkiisa ha ahaatee, oo uu yiri: "Kuligiin waxaad tihiin ilaaliyeyaal, ilaaliye kastana waxuu mas'uul ka yahay wixii la raaciyay, sidaa darteed ninka iyo naagta waxey wadajir mas'uul ka yihiin reerka iyo ubadka sidii loo xafidi lahaa, mid kali ahna ma toosin karo hadii qofka kale uusan la garab gelin.
 
Abuurista qowska wanaagsan waxuu bilowdaa marka labada qof ee is guursanaya ay isdooranayaan, gabadha guurka ah hadii marka hore aysan ka fiirsan ninka ay guursaneyso waxa uu yahay, dib oo laga qowmameeyo wax tari meyso, nin xun intii ay guursan laheyd waxa loo qaataa iney iska joogto oo Allah bariso inuu siiyo nin wanaagsan oo Allah ka baqa, ninkuna sidoo kale waa inuu ka fiirsadaa naagta uu guursanayo si berito u qowmameyn mar talo faro ka baxday. Hadii aan la marin oo aan la qaadan dariiqii Subanaha na faray N.N. korkiisa ha ahaate waxa la hubaa in qoyska ka abuurma uusan hanaqaadeyn, ninka waxa lagu doortaa in akhlaaq iyo diin uu leeyahay, naagtana waxa lagu doortaa afar oo mida ugu muhiimsan ay tahay, iney diin leedahay, hadii shardigaa la iska indhatirana waxa hubaal ah in wixii la abuuro ay khasaaro ku dambeyn, diinta oo lagu dhaqmo waxa weeye waxa dadka kala haga oo qof walba siiya xaqiisa kana dhowra in lagu xad gudbo, hadii diinta meesha laga saaro wax kale oo badbaadinaya qoyska ma jiro.
 
Waxa ugu horeeya ee ninka wanaagsan laga rabo waa inuu yahay nin salaada tukada oo ilaaliya shuruudeeda xaqeedana la yimaada, waa inuu ka fogaado wixii Allah xaaraan ka dhigay sida Sigaarka, Qaadka, iyo Khamriga, oo dhib weyn u geysta maalkiisa iyo caafimaadkiisa, waa inuu ku dadaalo in xaaskiisa iyo caruurta inuu faro salaada iyo waajibaadka kale ee Allah faray, uga digo naarta jahanamo sidii Allah ku tilmaamay quraanka kariimka ah oo uu ku yiri: "Kuwii Allah rumeeyayow uga diga naftiina iyo ehelkiina naar shidaal uu u yahay dadka iyo dhagxanta". Waa midka ku barbaariya caruurtiisa iney ehelada xiriiriyaan, waalidiinta adeecaan, kula dadaala tacliinta wanaagsan ee islaamka. Waajibaadka intaa oo keli ah kuma koobna hase yeeshee way fara badan yihiin duruus bayna u baahan yihiin si looga hadlo.
 
Sidoo kale naagta wanaagsan waxa weeye mida siduu tilmaamay suubanaha nebigeena Mohamed N.N. korkiisa ha ahaato " Waa mida tukata salaadeeda, soonta bisha Ramadan, ninkeedana adeecda oo maqasha warkiisa", hadii ay sidaa yeeshana waxey geli jannada. Sida muuqata waxa la faray naagta marka laga reebo salaada iyo soonka waxa ugu weyn waa iney adeecdo ninkeeda, naagtii aan la iman maqal ay maqasho wixii ninkeeda faro oo khayr ah, waxey la kulmi khasaaro dunida iyo akhiro. Wey badan yihiin axaadiista ka hadlaya sida looga doonayo naagta iney adeecdo ninkeeda oo ay ku dadaasho raali gelintiisa wixii aan ka baxsaneyn shareecada islaamka oo waajibka ah, maxaa yeelay waxa uu yiri suubanaha N.N. korkiisa ha ahaato" Ma jirto adeecid la adeeco makhluuq (Bani Adam) oo Allah macsi lagaga gelayo", sidaa darteed hadii haweney ninkeeda yiraah sigaar cab ama qaad cun, ama khamri cab, waajib kuma aha iney ka yeesho oo ay adeecdo.